Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo sheegay in Trump ay ka go’antahay inuu qabsado Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska Politico ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa kaa soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan ku kaftamaynin qabashada Canada ee ay arrintaasi dhab ka tahay.

Justin Trudeau waxa uu  sheegay in soo Trump uu ku dhiiraday in uu la wareego Canada oo uu ka dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka, sababtoo ah waxa uu rabaa in uu qaato macdanta muhiimka ah ee dalkaas sida uu hadalka u dhigay.

“Mr Trump waxa uu maskaxda ku hayaa in sida ugu fudud ee loo samayn karo ay tahay in la qaato dalkeenna, waana arrin dhab ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Justin Trudeau.

Donald Trump ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in Canada ay la gudboontahay inay noqato gobolka 51-aad ee dalkaasi Mareykanka, waxayna arrintaasi dhalisay Caro xooggan iyo hadal-hayn la yaab leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this