Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo koonfur Afrika u Cinqaabaya taageerada falastiin darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saacadihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin ka dhan ah dowladda koonfur Afrika, waxayna arrintani salka ku haysaa dacwado ay horay uga gudbisay maamulka Israa’iil.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar lagu joojinayo kaalmada dhaqaale ee Koonfur Afrika la siiyo, sababo la xiriira siyaasaddeeda dhulka iyo dacwadda ay ka gudbisay Israa’iil.

Maamulka Trump intaa ku daray in sidoo kale Washington ay sameyn doonto qorshe dib u dejin loogu sameynayo beeraleyda Koonfur Afrika iyo qoysaskooda qaxootiga ah, iyadoo loo marayo barnaamijyo lagu taageerayo caddaanka ee Koonfur Afrika oo intooda badan asal ahaan ka soo jeeda Holland iyo Faransiiska.

Koonfur Afrika ayaa sanadkii la soo dhaafay hormuud u noqatay olole ka dhan ah gumaadkii arxan-darrad ahaa ee maamulka Israa’iil uu ka geystay marinka Qasa, ayadoo dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this