Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo caddaysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan in loo soo raro Falastiiniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   
202521638739733159154077.jpg?resize=660%Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir

Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku saabsan in muwaadiniinta reer Falastiin loo soo raro degaannada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir oo saaray warsaxaafadeed ku qoran luuqadda English-ka ayaa caddeeyay in dowladda Puntland ixtiraamayso xuquuqda reer Falastiin u leyihiin in ay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda.

Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sidoo kale tilmaamay in faalladii wasiir ku xigeenkiisa Yacquub Cabdalle ku qoray wargeyskaThe Daily Telegraph aysan ka turjumayn mowqifka Rasmiga ah ee Puntland balse ay ahayd aragtidiisa shakhsiga ah.

“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayuu yiri wasiir Dirir.

Warka ku saabsan in Puntland aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ah in qaxootiga reer Falastiin la keeno degaannada Puntland ayaa saacadihii u danbeeyay ku faafay warbaahinta Israa’iil iyo tan reer galbeedka oo uu ku jiro wargeyskaThe Daily Telegraph.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1739085248003.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo caddaysay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan in loo soo raro Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this