Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar eedeyn culus u jeedisay maamulka Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Masar ayaa si adag u cambaaraysay wax ay ku tilmaamtay hadallada mas’uuliyad darrada ah ee ka soo yeeraya dhinaca maamulka Israa’iil, kuwaas oo ay sheegtay inay dhaawacayaan Axdiga Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Masar ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa hadallada qayrul-masuulnimo iyo gebi ahaanba diidmada ah ee ay soo saareen dhinaca Israa’iil, kuwaas oo kicinaya dawladda walaalaha ah ee Sucuudiga, isla markaana dalbanaya in dawladda Falastiin laga dhiso dhulka Sucuudiga, taas oo xadgudub toos ah ku ah madax-bannaanida Sucuudiga,  ahna xad-gudubka bareerka ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay”

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “waxaanu carrabka ku adkeynaynaa in ammaanka Boqortooyada Sucuudigu iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda ay tahay qad cas”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhowaan sheegay in haddii Sucuudigu uu doonayo in la helo dowlad falastiiniyiintu leeyihiin uu dhulkiisa qeyb kamid ah siiyo, ka dibna qaran uga dhiso.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this