Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee…” Xildhibaan Maxamed Abiib

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa garab istaag  muujiyay Ciidamda Puntland ee dagaalka kula jira Kooxaha Argagixiso ah isaga oo dhanka kale xukuumada Somaliland baaqa u diray

“Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.

Waqtigan adag, qof walba oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in uu taageero walaalaha Puntland, kuwaas oo ku jira jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan diinteenna suubban, sidoo kalena ku ilaalinayaan sharafka dalkooda iyo dadkooda” Xildhibaan Maxamed Abiib

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this