Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaybtii 3’aad:-Magacyada Duuliyeyaashii Somalida ee ku dhintay dagaalkii 1977,iyo sababta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Q3aad:-Magacyada Duuliyeyaashii Somalida ee ku dhintay dagaalkii
1977,iyo sababta.

Sababta Duuliyayaashii Ethiopia uga guuleysteen Duuliyeyaashii
Somalida dagaalkii dhinaca hawada ee la isku farasaaray ama la isku arkay,waxay ahaayeen 2 laba sababood:-

1-Duuliyeyaasha Somalida ee nooca Mig-21, waxay tababarka
duulimaadka soo dhameysteen 1974,1975, waxay joogeen 2 sano iyo 6 lix bilood keliya intaan dagaalku bilaaban halkaa waxaad ka garaneysaa inaanay khibrad fiican u lahayn dayuuradii ay ku dagaalamayeen
mid kale loomaba tababarin dagaalka hawada( Dogfight).
b- Duuliyayaashii Mig-17,iyagu khibrad fiican ayey lahayeen waxaana
la sheegay in si fiican uga dagaalameen duqeynta dhinaca dhulka waayo
ilaa 1968,mudo 10 sano oo khibrada ayey la haayeen ogow dayaarada
Mig-17, lama dagaalami karto dhinaca hawada dayuurad kale waayo
malaha gantaalada hawa-hawada (air-to-air missile)waxay qaadaa oo
keliya machinegun iyo bombka dhulka lagu rido.
2- Duuliyayaashii somalida markay goobta dagaalka tagaan waxay
waayeen hogaamin fiican dhinaca(Radarka) iyo tawar fiican oo haga.
For example,metalan dayuuradaha somalidu waxay hawda soo
geliyeen iyagoo duuliyayaasha Ethiopia hawada ku jiraan kuwa
Ethiopia way arkaan kuwa somalidu ma arkaan waayo Radarkoodii
ayaan u sheegin in hawada ay ku jiraan dayuurado cadow,waana
sababaha loo ridayey dayuuradaha somalida.

Qaar ka mida duuliyeyaashii ku dhintay dagaalkii 1977:-
1-Gaashaale Duuliye Ahmed Abdilahi Janaale….Mig-21
2- Gaashaanle Duuliye Mohamed Jama…………..Mig-21
3- Xidigle Duuliye Barre Yare…………………………Mig-21
4-Laba xidigle Dhoore………………………………….Mig-17
5-Laba xidigle Abokor sh.Muse……………………..Mig-17
6-Laba xidigle Abokor Xasan Xuseen………………Mig-17
7-laba Xidigle Ahmed Shide…………………………..Mig-17
Intaasi ayaan ka xasuustaa Duuliyeyaashii la ridey
Dhaantood Duuliyeyaashii Ethiopia ayaa hawada ay isku
arkeen oo ridey(Dogfight).

Amagacyada Duuliyayaashii Ethiopia ee xasuuqay duuliyeyashii
Somalida:-
1-General Lagesse Teferra…………………F-5E
2.Colonel Afework Kidanu…………………F-5E
3-Colonel Bacha Hunde……………………..F-5E
4-Colonel Bezabih petros…………………..F-5E
5-Ashenafi Gabre Tsadik……………………F-5E

xusuus:- Duuliyeyaasha Ethiopia waxay lahaayeen khibrad
dhan 12 sano,waxay ka soo qalinjebiyeen jaamacada
duulimaadka military ee Gobolka Arizona ee maraykanka.

Xusuus:- General Legesse Teferra ciidamada dhulka ee Somalida
ayaa ku soo ridey meesha la yiraahdo(Filto) ee Gobolka Baali
parachute ayuu ku boodey waxaa qabtay ciidankii somalida
wuxuu 11 sano ku xidhnaa jeelka weyn ee (Laanta buur)
Afgooye Somalia waana la sii daayey.Markuu Ethiopia ku noqday
waxaa laga dhigay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Ethiopia.

Dhamaad.

Yusuf Janale
Oslo Norway.
contact somalilandcitizen@gmail.com.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this