Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkey iyo Itoobiya oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Ankara ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Heshiiska-ANKARA.jpg?fit=2048%2C1366&ssl

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Gedion Timotheos, ayaa Khamiistii, 06-da Febraayo 2025, waxa uu kulan muhiim ah magaalada Ankara kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulankan ayaa looga arrinsanayay qorsheynta wadahadallo farsamo oo dhawaan la filayo in ay yeeshaan labada dal, kuwaas oo looga gol leeyahay hirgelinta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa intii kulanka socday “is weydaarsaday aragtiyo la xiriira dhinacyada farsamo” ee Baaqa Ankara, si gaar ahna waxay falanqeeyeen habka ugu wanaagsan ee loo hirgelin karo qodobada baaqaas ku xusan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay xaqiijisay in Wasiir Gedion uu “hoosta ka xariiqay sida ay Itoobiya uga go’an tahay hirgelinta dhammaystiran” ee heshiiska, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga doorka mugga leh ee ay ka qaadatay fududeynta heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay la gashay Soomaaliya.

Baaqa Ankara, oo ay magaalada Ankara ku kala saxiixeen Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud, ayaa waxa uu dib u xoojiyay “ixtiraamka iyo ballanqaadka qotada dheer ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada, xornimada, iyo wada-jirka dhul ee midba midka kale,” sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed wadajir ah oo ka dhashay shirka.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qiray “fursadaha faa’iidooyin badan oo kala duwan oo suurtagal ah” oo ay Itoobiya ka heli karto “helitaan sugan oo ah marin bad,” iyadoo si xooggan loo adkeeyay ixtiraamka “dhul-wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in hoggaamiyeyaashu ay ku heshiiyeen “in meel la dhigo lana dhaafo khilaafaadka iyo arrimaha muranka dhalin kara.”

Baaqa Ankara ayaa si faahfaahsan u qeexaya qorshayaal ku aaddan wadahadallo farsamo oo laga yeelanayo arrinta helitaanka badda ee Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyay in ay si rasmi ah u billaabmaan bisha Febraayo 2025, isla markaana la soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah.

Labada dal ayaa ku heshiiyay “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa is-afgaradyo ganacsi oo faa’iidada labada dhinac ah ku jirto,” iyadoo si buuxda loo tixgelinayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Baaqa Ankara ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xun marayay xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya horraantii sannadkii 2024, ka dib markii Itoobiya ay saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo ay la gashay Somaliland.

Heshiiskaas is-afgaradka ah ayaa dhigayay qodobo ku saabsan kiraysashada 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, iyadoo Itoobiya ay beddelkeeda ku ballanqaaday aqoonsashada madax-bannaanida Somaliland.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay “ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, ka dib saxiixii Baaqa Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar rasmi ah ku tegey Itoobiya 11-kii Janaayo 2025, halkaas oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kala heshiishay dib u soo celinta xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka.

Booqashadan ayaa si rasmi ah u soo afjartay xurguf diblomaasiyadeed oo sannad qaadatay, taas oo ka dhex taagnayd labada dal ee dariska ah.

War-murtiyeed wadajir ah oo labada dhinac ka soo saareen kulankoodii, ayaa hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah u ballanqaadeen “in la soo celiyo lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah iyada oo loo marayo diblomaasiyad buuxda oo ay caasimadahooda ku kala yeeshaan.”

Waxay sidoo kale farreen ergadooda diblomaasiyadeed ee ku sugan goobaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan arrimaha danta labada dal khuseeya.”

Waxaa intaa dheer, waxay si adag isugu raaceen baahida loo qabo “iskaashi mug leh” si wax looga qabto xasilloonida gobolka, waxayna isku afgarteen inay si dhow isaga kaashadaan dadaallada lagu xoojinayo horumarka wadajirka ah iyo is-fahamka qotada dheer ee labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this