Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta uu DONALD TRUMP ugu soo dhacay dhabbaha dagaalka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Donald-Trump-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&

Washington (Caasimada Online) – Baadigoobka iyo la dagaallanka kooxda Daacish ee Afrika ayaa noqon karta hawl adag, maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayso buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii uu toddobaadkii hore amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggaas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo uu ku leeyahay: “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”

Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah.”

Wuxuu ku faanay in uu ku guuleystay halkii uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

“Biden iyo saaxiibadiis tallaabo degdeg ah ma aysan qaadin oo shaqadan ma aysan qabteen,” ayuu yiri Trump.

Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee hawlgallada ay fuliyaan ciidamada maamulka cusub ee Mareykanka ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkaas ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanku uusan taageero u muujin doonin Soomaaliya.

Markii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, Trump wuxuu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go’aankaas oo dib u beddelay Madaxweynihii hore, Joe Biden.

Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington ayaa muujinaya walaaca dowladda.

Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadeen hawlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamada Soomaaliya, waxayna fuliyeen duqeymo joogto ah.

Maalin ka hor inta uusan dhicin weerarka cirka, wargeyska Washington Post wuxuu daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday dowladda Mareykanka in “aysan saarin la-taliyeyaasha Mareykanka ee taageera tababarka ciidamada gaarka ah ee dalkiisa.”

Qoraal uu xafiiskiisu soo dhigay barta X weerarka kadib ayaa sidoo kale muujiyay codsiga dowladda Soomaaliya, wuxuuna qiray “taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” iyadoo xafiisku soo dhoweeyay “waxqabadka joogtada ah ee Donald Trump.”

Balse duqeymaha cirka ah ayaa ka duwan hawlgallada ay fuliyaan ciidamada dhulka jooga, madaxweyne Trumpna ma uusan joojin duqeymaha cirka markiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.

“Duqeymahan kama dhigna in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada milatari ee Soomaaliya,” ayuu yiri Matt Bryden, oo ah la-taliyaha xarunta cilmi-baarista Sahan oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Hannaanka la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa ka duwan qaabka ay u wajahaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland xiriirka u jartay bishii Maarso ee sanadkii hore.

Iyagu aad ayay isugu kalsoon yihiin, si weynna uguma tiirsana taageerada ciidamada Midowga Afrika, oo ku dhowaad 12,000 oo askari ka tirsan ay joogaan, iyo quwadaha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Turkiga.

Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa xafiiska isku xirka hawlgallada amniga Puntland, ayaa sheegay in ciidanka ka soo jeeda waqooyi-bari ay dagaal kula jiraan kooxda Daacish, iyagoo aan garab iyo mahadcelin toona ka helin cid kale.

“Waan la dagaallameynaa Daacish, maadaama ay dhibaato ku tahay caalamka. Taageero badan ma aanan helin marka laga reebo Kenya, Itoobiya, iyo Imaaraadka. Ma ogayn in Mareykanka uu fulin doono wax ka badan hal duqeyn,” ayuu yiri Mubaarak.

Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen ilaa 48 goobood oo ay Daacish ku dhuumaaleysanayeen, halka ay burburiyeen tobannaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo walxaha qarxa tan iyo markii ay dagaalka tooska ah bilaabeen sanadkii hore.

Inkastoo Daacish ay Soomaaliya ka hawlgashay muddo toban sano ah, haddana waxay la kulantay khatar ka yar kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qeybo badan oo dalka ka mid ah, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu guulaha badan ee Al-Qaacida ka tirsan.

Ha yeeshee waayadan dambe, Daacish waxay noqotay koox aad muhiim ugu ah gudaha, gobolka, iyo caalamkaba.

Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hoggaamiyaha guud ee kooxda.

Warbixinno horudhac ah ayaa muujinaya in lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay bishii May ee lasoo dhaafay, balse weli lama xaqiijin.

Haddii Muumin uu yahay hoggaamiyaha Daacish, isla markaana uu noolyahay ama dhintay, Daacish-ta Soomaaliya waxay welwel weyn ku abuurtay dalalka shisheeye.

Trump ayaa sheegay: “Dilaayaashan, oo la arkay iyagoo godad ku dhuumaaleysanaya, waxay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadiisa.”

Daacish waxay sidoo kale fariisimo ku leedahay dalalka Mozambique, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, ilaa Nigeria.

“Daacish-ta Soomaaliya waxay u taagan tahay inay fududeyso oo gacan ka geysato weerarrada kooxda ee Galbeedka, oo Mareykanku kamid yahay,” ayay tiri Tricia Beton, oo ah maamulaha xarunta la dagaallanka argagixisada ee jaamacadda Mareykanka ee Washington.

“Saaxiibada caalamiga ah waa inay taageero dheeraad ah siiyaan dadaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda.”

Mr. Bryden waxa uu sheegay in wada shaqeyn lala yeesho fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Badda Cas ee Yemen ay iyaduna tahay arrin jirta.

“Sida Al-Shabaab, Daacish-ta Soomaaliya waxay hub iyo tababar ka heshay Xuutiyiinta Yemen, taasoo walaac ku haysa dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda,” ayuu yiri.

Tirada sii kordheysa ee dagaalyahannada shisheeye ayaa ku biiraya kooxda, taasoo sare u qaadaysa awooddooda tiro ahaan iyo khibraddooduba.

Dadka ugu badan ee Daacish-ta ay qortaan ayaa loo maleynayaa inay yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo isugu yimaada magaalada Boosaaso ee Puntland si ay nolol cusub ugu raadsadaan.

Daacish waxay siisaa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen waddamada Khaliijka, waxaana khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan.

“Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaasaynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya, iyo Bariga Dhexe,” ayuu yiri Mubaarak.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha Qaramada Midoobayna waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiis.

Kooxda ayaa bishii Diseembar geysatay mid ka mid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland.

Waxay kooxda soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka fuliyay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen, iyo Itoobiya.

Khubarada arrimaha Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska Al-Karrar, uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale.

Xafiiska Xakameynta Hantida Dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2 milyan horaantii sanadkii 2022, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoolo-dhaqatada ah, iyo beeraleyda.

Haddii ciidamada Puntland ay ku guuleystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn.

Wax yar kadib duqeyntii uu Mareykanku fuliyay, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya ee dilalka geysta, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid.

Balse khubaradu waxay sheegayaan in weerarrada cirka loo baahan yahay inay noqdaan kuwo joogto ah si loo ciribtiro kooxda Daacish ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hortago in kuwo kale la abuuro.

Ma cadda in Mareykanka iyo hoggaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this