Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in Baasaboorka DFS loo diiday askartii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738852733128.jpg?resize=720%2C48

Guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa caddeeyay in aysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan helidda adeegga Baasaboorka Soomaaliya, kaddib markii la faafiyay warar ku saabsan in askar ku soo dhaawacantay dagaalka Cal-miskaad loo diiday helidda Baasaboorka DFS.

Axmed Cabdi Hurre oo ka tirsan guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in askarta soo dhaawacantay ee Puntland loo diiday helidda Baasaboorka Soomaaliya, islamarkaana ay caqabad u dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna waxan cadaynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS” ayuu yiri Axmed Cabdi Hurre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Warkiisa ayaa imaanaya xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland laga soo xigtay in dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadaysay helidda adeegga Baasaboorka dalka, oo ay u diiday askarta ciidamada Puntland ee ku soo dhaawacnay dagaalka Calmiskaad ee lagu cirib-tirayo Argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay in Baasaboorka DFS loo diiday askartii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this