Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday laba markab oo daamur ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738997527271.jpg?resize=720%2C54

Markab sida daamurka lagu dhammaystirayo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Qoraal uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayuu ku sheegay in markabkii kowaad oo sida daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo uu maanta soo gaaray Boosaaso.

Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu deeqday Puntland laba markab oo daamur ah, kuwaasi oo lagu dhammaystirayo jidka laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Af-hayeen Dabaraani oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intaasi raaciyay in labada markab kii kowaad uu maanta yimid dekdda Boosaaso halka uu weli soo socdo markabkii labaad.

“Daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, ayaa maanta soo gaaray Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraalkani soo dhigay bartiisa (X).

“Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda Imaaraadka oo Puntland ugu deeqday Labo Markab oo daamur ah oo Dowladdu ugu talagashay dhameystirka  Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaa yimi markabkii koowaad kan labaadna wuu soo socda” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Halkaan ka eeg sawirada

FB_IMG_1738997517018.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1738997522703.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1738997512050-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1738997504312-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday laba markab oo daamur ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this