Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta madaxweyne Trump ugu soo dhacay dhabaha dagaalka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baadigoobka iyo la dagaalanka kooxdan noqotay halka ay ka noolyihiin kooxda Daacish ee Africa, ayaa noqon karta howl adag maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii todobaadkii hore uu amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo leh “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”

Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar labo toddobaad ee uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku noolaayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah”.

Waxa uu ku faanay in uu ku guulaystay halkii buu yiri uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden.

Puntland, oo ay nolol cusub u raadsadaan.

Daacish ayaa siisa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen wadamada Khaliijka, waxayna khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan.

“Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaaseynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya iyo Bariga Dhexe”, ayuu yiri Mubarak.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha qaramada midoobayna, waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiisa.

Kooxda ayaa bishii Diisembar geysatay mid kamid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku yaala gobolka Bari ee Puntland.

Waxay kooxdu soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka geysatay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen iyo Itoobiya.

Khubarada arrimaha Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska al-Karrar uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale.

Xafiiska Xakameynta Hantida dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2m horaantii sanadkii 2022-kii, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda

Haddii ciidamada Puntland ay ku guulaystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn.

Wax yar ka dib duqeyntii uu fuliyay Mareykanka, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay, hogaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaliya ee dilalka geysan jiray, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid.

Balse khubarada ayaa sheegaya in weerarada dhanka cirka ah loo baahanyahay in ay noqdaan kuwa joogto ah si loo cirib tiro kooxda Daacsih ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hor tago in kuwo kale la abuuro.

Ma cadda in Maraykanka iyo hogaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan, inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

 

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this