Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Shaaciyey Xirnaanshaha Suuqyada Ganacsiga ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada Suuqyada Gobolka Banaadir ayaa warsaxaafadeed ku shaaciyey in ay si rasmi ah u joojiyeen dhammaan howlaha ganacsi ee Suuqyada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay cabashooyin is biirsaday oo ay ka muujiyeen cadaadis iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen Wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha amniga sida NISA, iyo wasaarado kale oo ay sheegeen in ay si joogto ah ugu kordhinayaan culayska ganacsiyada.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in canshuuraha lagu soo rogay ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah, taasoo aan wax xal ah loo helin inkastoo ay cabashooyin badan ka muujiyeen.

Sidoo kale, waxay sheegeen in hay’adaha amniga sida NISA ay faragelin joogto ah ku hayaan ganacsiyada, iyagoo xir xiray xarumo ganacsi oo lagu eedeeyey in aysan bixin canshuuraha. Tani waxay abuurtay niyad jab iyo cabsi weyn oo soo wajahday ganacsatada, maadaama ganacsiyadooda ay si joogto ah ula kulmaan culeysyo aan sharciyeysneyn.

Waxaa intaas dheer in ciidanka booliska ay si toos ah ugu eedeeyeen inay dalbanayaan lacago sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn sharciga dalka, taasoo sii adkeysay dhibaatooyinka haysta ganacsatada.

Dhanka kale, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo rogtay nidaam cusub oo ku khasbaya ganacsatada inay lacago cusub ku bixiyaan shaqaalaha iyo nidaamyada maamulka, taasoo noqotay culays dheeraad ah oo aan loo adkeysan karin.

Ganacsatada ayaa sidoo kale tilmaamay in ballanqaadyo badan oo horey loogu sameeyey aysan fulin, taasoo sii kordhisay niyad-jabka iyo kalsooni darrada ay ku qabaan hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyntii, ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda in ay joojiso faragelinta joogtada ah iyo cadaadiska lagu hayo ganacsiyada si loo badbaadiyo dhaqaale ahaan iyo kalsooni ahaanba. Waxay sidoo kale bulshada ka codsadeen inay dulqaad muujiyaan inta xal waara laga gaarayo xaaladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this