Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo aaday safar kale oo dibad – Xaguu ka degay?

Recommended Posts

Deeq A.   
476363396_1073243884846750_6330797695445

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kadib, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya.

Madaxweynaha ayaa Daarusalaam uga qayb-gali doona shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Safarada madaxweynaha ee dibadda oo tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka isdaba joog noqday ayaa dad badan qabaan in laga maarmi karay, maadaama ay ku baxaan kharashaad badan oo meelo kale oo uga mudan looga faa’iideysan lahaa.

476162470_1073243578180114_7008124477626

476363396_1073243884846750_6330797695445

476383793_1073243708180101_4269770731268

476159734_1073243771513428_6903462643683

476604933_1073243831513422_5471586079531

476453795_1073243951513410_4658802019985

476366267_1073244154846723_3057050873827

476183947_1073243678180104_5336203096807

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this