Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda Puntland, kadib muddo uu ka aamusna madaxweynaha dagaalkaasi, oo ciidamada maamulka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad-gobolkeed Puntland, wuxuuna faray xukuumadda in ay dardar-geliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari.

War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, iyadoo dadka qaar ay madaxweynaha ku dhaliileen sababta uu uga aamusna tan iyo markii uu dagaalka bilowday, halka kuwo kalena ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu kasoo hadlay dagaalka xaqa ah ee ciidamada Puntland ku jiraan haba lasoo daahee.

Caasimada Online oo indhaha la raacday faallooyinka laga dhiibtay qoraalka madaxweynaha, ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh loogu baaqay in hadal keliya uusan wax ka tarin dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, balse looga baahan yahay inay gacan ka geystaan.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Axmed Cabdikariin Waayo-arag: “Af keliya lama rabo waa in saanad ciidan iyo garab istaag muuqda loo diraa, ma ahan in halganka Puntland ka socdo indho siyaasad lagu eego. Gobanimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga, Allaha guuleeyo geesiyaasha la diriraya cadawga.”

“Madaxweynaha haduu hadlo muxuu u hadlay haduu aaamuso muxuu u aamusey Soomaaliyeey xagee niila raacaa bal soo sheega,” ayuu yiri Maxamed Ugaas.

Cabdulqaadir Bootaan: “Madaxweynuhu waa mahadsan yahay garab istaag balaaran bay mudan tahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Argagixisadaas in laga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed waa lama huraan. Guuul Soomaaliya”

Maxamuud Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wad laso daahdey Xasan Sheekh Maxamuudow intaas baa isbuucyo dagaalka socday kari weysay.
Hadalkana kugu dhegnaa.”

Liibaan Cali Cabdi: “Wixii dhexdeena waxa ka weyn cadowga in loo midoobo argagixiso arxan nama dhax yaalo, Allow Soomaali mideey oo cadowga ka baqo.”

Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay waxa uu yiri “War qaduhu badanaa!!. Kaarayaasha Xamar ku prakingman iyo diyaaradaha sawir ahaan miyey u yaalaan dalka?. DFS, Sheeko xariiradeeda waan naqaanaa ama gacan haka gaysto ama ha iska aamuseen.”

“Qawda maqashiii waxna ha u qaban maah maah Soomaaliyeed bey aheyd, waxaa xaqiiqo ah in dalkeena Soomaaliya uusan laheyn madax u danqata shacbiga Soomaaliyeed, oo damiir masuulnimo leh,” ayuu yiri Bashiir Xasan.

Cabdirisaaq Xasan: “Xasanoow waaa in Saadka aad laba dhigtaaaaa oo garoomada Puntland mashquul noqdaan maalmaha soo socda, kolkaaas baanu ku rumaysan.”

“Illa culumadii waa weyneed markay ka aamusi waayeen ficiltankaaga dowlanimada ka baxsan, warbaahintii tooshka kugu wada ifisay miyaa caawa is sii adkeyn waysay oo isa soo daad raacisay,” ayuu yiri Maxamed Kismaayo.

Bashiir Macalim Cabdi: “Baaq xoog lagaaga keenay waaye ee furimaha Puntland tag si aa u aamino dhab ahaanshiyaha taageeradaada.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this