Sign in to follow this  
Deeq A.

Toddoba Khalad Oo laga Aaminay Somaliland oo Aqoonsi Hesha

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo muddooyinkii dambe la baahinayey warbixinta ku saabsan in maamulka Trump ka fekerayo in uu Soomaalilaan u aqoonsado dal madaxbannaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Xasan Cabdi, waxa uu qoray maqaal aragtiyeed uu ku baaqay in Maraykanku taageero midnimada Soomaaliya.

Doodda safiirka waxa ku jira khaldaad dhawr ah oo burinaya xujada dooddiisa, sidan hoose ayaanan u faahfaahiyey:

1: [Safiirku waxa uu ku dooday] in Soomaaliya dal ahaan iyo gobol ahaanba nabad tahay, aqoonsiga Soomaalilaanna keeni karo khalkhal nabadgalyo.

Runtii, Soomaaliya hadda nabad ma hayso. Weli al-Shabaab ayaa qaybo badan oo dalka ah gacanta ku haysa. Dhinac kale, Soomaalilaan soddonkii sanno ee u dambeeyey qayb kamay ahayn Soomaaliya, Federaalkana waxa caqabad ku ah Puntlaan iyo Jubbalaan. Sidaas darteed, doodda ah nadabgalyada Soomaaliya ayaa ku wiiqmaysa aqoonsiga Soomaalilaan waa dood jaban.

2: Xidhiidhka wadashaqayn ee Soomaaliya iyo Maraykanku waxa uu xoojiyey nabadgalyada gobolka [ayaa uu safiirku ku dooday].

[Sida doodda hore ku cad], marka horeba gobolka nabad la sheegaa kama jirin tobannaankii sanno ee lasoo dhaafay.

3: [Aqoonsiga Somaliland] waxa uu damaca beelaha ku dhalin karaa sii jarjaridda dalka iyo kala tag hor leh.

Marka horeba waddaniyad la wada ilaashado iyo mabda’ laga simanyahay ma jiraan. Kol haddii beeluhu seeska jiritaanka Soomaalida yihiin, taladana wax kasta ku leeyihiin, waxa habboon in laga qaybgeliyo talada. Soomaalidu waa in ay dhistaan maamul la daadejiyey oo xisaabta ku darsada beelaha dadku u kala yaallaan. Maraykanka iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya waa inay joojiyaan fikradda ah in dawlad dhexe oo xooggani uun dhaqi karto Soomaalida.

4: Maraykanku waa in uu ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduuddii 1960-kii, waana siyaasaddii uu hore ugula soo dhaqmayey Soomaaliya oo caawisay deggenaanshaha Soomaaliya oo ah dal istiraatiiji ahaan muhiim ah.

Sheegashadani waa mid amakaag ah. Soomaaliya waxa ay tan iyo 1969-kii ahayd dalalka ugu degenaanshaha yar dunida, waxaana ka dhashay qalalaase gobolka oo dhan ku baahay. Sidaas darteed, mala’awaalka sheegaya in Soomaaliya tahay dawlad keli ah oo deggan, waa dood jaban.

5: Kala qaybinta Soomaaliya waxa ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ka jeedin kartaa la dagaallanka argagixisada, waxaanu wiiqi karaa guulaha laga gaadhay la dagaallankooda.

Xaqiiqada aan la iska indhotiri karin waa in Soomaaliya imikaba qaybsantahay. Isla xilliganna, Muqdisho waxa ay ku hawlantahay siyaasado aan qotodheerayn oo ay kaga jeeddo dagaalka al-Shabaab. Xukuumadda Soomaaliya oo marar badan si fudud uga jeedsatay dagaalka ka dhanka ah argagixisaduna waxa ay Maraykanka u caddaysay in aanay Maraykanka kala shaqayn karin la dagaallanka argagixisada.

6: Soomaaliya oo midaysani waxa ay adkaynaysaa daahfurnaanta, waxay soo jiidan kartaa maalgashiga, waxaanay bulshadeeda uga faa’idayn kartaa khayraadka. Waxa kale oo ay adkayn kartaa danaha Maraykan.

Xukuumadda Soomaaliya way guuldarraysatay *****nta yoolalkan wanaagsan ee uu xusay, sababtuna waa kala qaybsanaanta marka horeba ka dhexjirta, [ka hor intaan bedkaba la keenin aqoonsiga Soomaalilaan]. Saadaasha ku dhisan khibraddii horena waxay muujinaysaa in Soomaaliya sidan usii kala qaybsanaan doonto. Xitaa haddii Soomaaliya midawdo, ma cadda sida daahfurnaan lagu gaadhi karo. Waxa intaasba dheer in xukuumadda hadda Muqdisho ka jirtaa aanay wadin dedaallada [intan uu safiirku sheegay]. Markaas ma jirto sabab si fudud loogu aamino in Soomaaliya si mucjiso ah, xitaa haddii ay midawdo, u *****n karto qodobbadan [uu safiirku xusay].

7: iyada oo Soomaaliya laga taageero adkaynta haayadaheeda, dhisidda awooddeeda ciidan iyo samaynta wadahadallo siyaasadeed, Maraykanku waxa uu ku guulaysan karaa in uu kala qaybsanaanta beelaha u beddelo waddaniyad, halkii ay ka diriri lahaayeen.

Dabcan Maraykanku siyaasaddan hore ayaa tobannaan sanno uga soo shaqeeyey, se may guulaysan. Markaas sababma ayaa mar kale isla jidkaas hore loo mari karaa? Maxaa se cusub oo is beddeli kara?

Si guud, xujooyinka safiirka iyo siyaasadda Maraykanku Soomaaliya kula dhaqmaa waxay ku qotomaan mala’awaallo dhawra: Kow, in Soomaaliya bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba mid tahay. Laba, in xukuumadda hadda jirtaa qayb ka qaadato deggenaanshaha gobolka. Saddex, in dedaallada Muqdisho yihiin kuwa togan oo Maraykanka dan u ah. Haddaba, Maraykanku ma xaqiijin karo danihiisa iyo ujeeddooyinkiisa uu Geeska Afrika ka leeyahay, haddii aanu marka koowaad qirin waaqica jira, oo aanu qaadan siyaasado waaqica jira ku dhisan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this