Deeq A. Posted February 6 Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay booqashadii uu todobaadkan madaxweynaha Kenya, William Ruto ku tegay gobolka Soomaalida ee dalkaasi. Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in William Ruto uu noqday madaxweynihii ugu horrreeyay ee Kenya ee Soomaalida dalkaasi ula dhaqmay, sida muwaadiniinta kale ee Kenyaanka ah. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday uu uga duwan yahay madaxdii hore ee soo martay dalkaasi, isaga oo xusay inuu jabiyay darbi adag oo ku geedaamnaa Soomaalida, maadaama lagu dayici jiray gobolka ay kasoo jeedaan. “Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya. William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Booqashada William Ruto ayuu ku sheegay mid taariikhi ah oo muddo 62 sanno kadib ka dhigtay in madaxweyne Kenyaan uu ku hoydo gobolka Soomaalida ee dalkaasi. “Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday. Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madaxweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida,” ayuu mar kale yiri la-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya. Waxa uu intaas kusii daray “Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka. Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida”. Si kastaba, madaxweynaha Kenya ayaa magaalada Wajeer ka sameeyay ballanqaad ay aad ugu farxeen Soomaalida ku nool halkaasi, kaddib markii uu sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka adag ee lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya oo ay dhibaato badan ku qabeen Soomaalida. Share this post Link to post Share on other sites