Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuca jeebka ee maamulka Xasan Sheekh oo meel adag gaaray – Maxaa cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.jpg?fit=2560%2C2012&

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dheer xan ayey ahayd in xilalka dowladda Soomaaliya loo raadsado si xoolo degdeg ah loo tabcado, iyadoo Muqdisho tahay meesha ugu fudud ee la dhici karo, halkaas oo aanu joogin shacab baraarugsan oo “maya” iska dhihi kara kuwa daqiiqad walba u fikiraya sidii ay xoolahooda u dhici lahaayeen.

Laakiin xantii hadda xaqiiqo xoolo doon ah ayaa loo beddelay, iyadoo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowr jeer canshuurta guud kordhiyay, sidoo kalena ay magaalada Muqdisho la ciirciireyso lacago aan canshuur ahayn oo magacyo kala duwan loo bixiyay, kadibna loo xiray dad gaar ah. Toddobaadkan waxaa hal mar la soo hindisay saddex lacagood oo sharci darro ah.

Amarka lacagahan boobka ah sooma maraan golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah, baarlamaanka iyo hay’addaha maaliyadda ee dalka. Kaliya waxaa gaara go’aankan wasiirka ama qofka madaxda ka ah hay’adda ay khuseyso, kadibna shacabka ayaa lagu soo rogaa si loo baaro jeebkooda.

Inta badan waxaa mashruucyada noocan ah wax laga siiyaa oo lagu soo daraa qoyska madaxweynaha ama qof arrinta ka soo dhammayn kara dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh ama mashruuca difaaci kara marka la isku qabsado.

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka, Machadka Caafimaadka Qaranka iyo ganacsato ku xiran ayaa isku dayay shalay inay dhaqan-geliyaan qorshe $45 looga qaadayo qof walba oo u dhoofaya dibadda ama ka imaanaya oo isticmaalaya garoonka Aadan Cadde.

Waxay xisaabsadeen in la heli karo in ka badan 1 milyan oo qof 2 sano gudahood, taas oo ka dhigan $45 milyan oo ay rabto in dhowr qof leexsato.

Buugga caafimaadka baahi ahaan hadda ugama jiro Soomaaliya, dadka Soomaaliya ka dhoofayana badi dalalka ay tagayaan lama weydiiyo buug caafimaad, dalalka ay tagayaana lama weydiiyo buug caafimaad, dalalka bixiyana ma yeelaan mid ay Soomaaliya bixisay.

Dadka fikradan ganacsi wataa waa ogyihiin in dadku aanay is tallaali doonin, oo tallaalkii Coronavirus ayeyba dadku qaadan diideen, balse hadafku waa lacagta.

Buuqii arrintan ka dhashay ayaa Salaasadii xannibay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadibna Wasaaradda Maaliyadda ayaa amartay in la joojiyo lacagtaas. Horay ayaa mashruuc $9 ah la isugu dayay in lagu saaro shacabka adeegsada garoonka Aadan Cadde.

Laba maalmood ayuu arrintaasi garoonka u xannibnaa kadibna waa laga biyo diiday. Tanina waa in ay shacabku luuqad adag ku diidaan maadaama uu hadafku yahay raadinta lacag sharci darro ah oo ku dhacaysa jeebka dad gaar ah.

Booliska iyaguna lacag raadinta ayey dhinacooda ka soo galeen, waxay leeyihiin ganacsiyadu warqad dambi la’aan ah ha samaystaan oo lacag ah ha bixiyaan.

Waxa lacagtan laga rabo oo la leeyahay ha loo sameeyo warqadda dambi la’aanta ma ahan dadka ee waa ganacsiyada sannad walba la canshuuro, ruqsadna ka haysta dowladda federaalka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Waa lacag doon kale oo aan caqliyad iyo sharciyad midna ku dhisnayn.

Maamulka gobolka Banaadir isna wuxuu leeyahay waxaan doonaynaa $50 ganaax ah inaan ka qaadno qofkii la arko isagoo jidka ku xaajoonaya, laakiin ma hayo hoggaanka gobolku aragti ku saabsan in la dhiso musqulo dadweyne si looga maarmo duruufaha keenaya qaladkaas, kaliya waxay ka fikirayaan lacag in ay u soo dhacdo oo la baaro jeebka shacabka.

Dadka uu badiyaa ficilkaasi ka dhaco ee jidadka ku xaajooda waa carruurta darbi-jiifka ah, $50 ma awoodaan ee waa inuu maamulka gobolka Banaadir ka fikiraa inuu dhiso musqulo dadweyne.

Haddii aan degdeg wax looga qaban sida ay Xamar ku socoto oo qofkii xil qabtaba uu raadinayo wax uu dhaco, waxaa la gaari doonaa in ay dadweynuhu kacaan oo si buuxda uga horyimaadaan dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this