Sign in to follow this  
Deeq A.

CIRRO oo dacwad u gudbiyay James Swan kadib arrin dhacday markii uu xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   
476103082_1179911563495079_8944743595741

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan saacado qaatay Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ku-simaha Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Swan ayaa hoosta ka xariiqay in hay’addaha Qaramadda Midoobay ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay QM ka waddo Somaliland. Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray madaxweyne Cirro, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabad lagu dhameeyo deegaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinka.

Intii uu kulanka socday madaxweynaha Somaliland ayaa Ergey Swan u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah, balse taas jawaabteedii ay noqotay in bariga Somaliland weerarro is daba joog ah looga soo qaado jihooyin kala duwan.

Cirro oo QM ku dacweeyay dhinacyada gacanta hayo gobolka Sool oo ku eedeeyay in ay xajiimeynayaan baaqiisi nabadeed ayaa wuxuu sheegay in xukuumadiisa aas-aastay guddida nabadda Somaliland oo iyagu ka shaqeyn doona;

1. Suurta-galinta xabad-joojin bilaa shuruud ah.
2. Fudeydinta is-dhaafsiga maxaabiista.
3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga

Madaxweyne Cirro ayaa Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay gobolka Geeska Africa, sidaas darteedna ay Somaliland dalbanayso in Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta laamaaha amniga Somaliland.

Ugu dambayntiina, Madaxweynaha ayaa tibaaxay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ula shaqayso hay’adaha QM, ururrada kale ee caalamiga ah iyo dawladaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga nabadda iyo xasilloonida, iyo weliba dib-u-habaynta hay’adaheeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this