Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo go’aan cusub ka soo saartay xiisadda dhaxeysa SSC iyo Warsangeli

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhoweeyay baaqii nabadeed ee dhowaan uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo ka tarjumaysa rabitaanka labada dhinac in si nabad ah loo xalliyo colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag.

Baaqa Deni ayaa ku saabsan xal ka gaarista colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo beesha East Sanaag Clan Doorood ee degta magaaladaas.

Sidoo kale, Cirro ayaa tilmaamay in xiisadda gobolka Sool ay haatan ku socoto waddo nabadeed, taas oo rajo cusub u muujinaysa dadka deegaanka iyo guud ahaan gobolka, hadalkaan ka soo yeeray Cirro wuxuu muujinayaa in xukunkiisu uu ka weecday wadadii awoodda militeriga ww madaxweynihii isaga ka horeeyey Muuse Biixi.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in laga qaaday ilaaladii madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi.

Cirro ayaa sheegay in wararkaas looga dan leeyahay in lagu abuuro qalqal amni iyo jahawareer siyaasadeed, balse xukuumaddu waxay xaqiijisay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay ilaalada Madaxweyne hore Muuse Biixi.

Tani waxay muujinaysaa in Somaliland ay weli ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nabadda gudaha iyo xiriirka deriska.

Magaalada Ceerigaabo waxaa ka dhacay dagaaladii ugu cuslaa, kuwaas oo dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha East Sanaag Clan, kuwaas oo doonaya in sidii beesha Sool clan ay isaga xoreeyaan Somaliland oo maamul gaar ah sameystaan.

Beesha Sool clan oo degta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa iska xoreysay ciidamada Somaliland, waxayna dhisteen maamulka SSC Khaatumo oo aqoonsi kumeel gaar ah ka helay dowladda federaalka.

Madaxweyne Cirro ayaa hadda doonaya in colaada Somaliland kala dhaxeysa SSC uu ku xaliyo waddo nabadeed oo ka duwan dagaalkii uu kula jiray Muuse Biixi, taasi oo si weyn looga soo dhaweeyey meel kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this