Deeq A. Posted February 6 ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ Fadhigii 8-aad ee Shirka Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Ajandaha Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta ayaa ka koobnaa arrimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka. Ugu horreyn, Goluhu waxaa uu warbixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha u waxaana uu sheegay in amniga dalku sugan yahay , isla markaana aaney jirin wax shaqaaqoyin iyo nabad gelyo daro ah marka laga reebo danbiyada iyo shilalka gadiidka ee maalin laha ah. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa uu kor u sii kacaayo dakhliga dalku, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si weyn u dardar gelinayaan ururinta cashuuraha isla markaana ay Xukuumad ahaan ay wax ka qaban doonan qiimo dhaca Shilinka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL ayaa Golaha hor keenay siyaasadda Waxbarashada ee Qaranka JSL, waxaana uu Wasiirku sheegay in Siyaasadaasi ay tahay mid ka tarjumeysa baahiyaha Bulshada Somaliland ee xaga Waxbarashada iyo aqoonta ee wakhtigan xaadirka ah. Siyaasadani waa mid loo soo qorsheeyey si koto dheer oo casri ah, isla markaana ku sar go,an Qorshaha Horumarinta Qaranka qeybtiisa 3-aad iyo siyaasadaha kale ee ay leedahay Xukuumadda WADAJIR IYO WAXQABAD. Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ayaa Golaha uga xog waramay habsami u socodka Siyaasadda Arimaha Dibedda ee JSL ,waxaana uu si gaar ah u dul istaagay Xeerka Safaaradaha Dibedda ee JSL. Wasiirku waxuu sheegay in ay Diblomasiyadu tahay meesha ugu mihiimsan ee uu Waddan kasta ka ilaashado danihiisa calaamiga ah, kobcinta iskaashiga iyo raadinta aqoonsiga uu dalkeenu u baahan yahay, sidaas darteedna ansixinta Xeerka Safaaradaha Dibeddu in ay mihiim u tahay dhismaha nidaam sharci oo sugan oo haga hawlaha Safaaradaha Somaliland ee Dibedda. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warrantay aasaaska Sanduuqa SDF, qaab dhismeedka, qaabka loo maamulo, heerarkii uu soo maray iyo mashaariicda mudnaanta ama faaโiidada u leh Horumarinta Qaranka ee laga maal geliyo SDF. Wasiirku waxay si qoto dheer uga war bixisay hawlaha mudnaanta u leh harumarinta dadka iyo dalka ee Sanduuqa SDF uu Qaranka JSL uga masuulka yahay ee ay sida wadajirka ah masuulka uga yihiin Xukuumadda Somaliland iyo Waddamada Deeqaha Bixiya, gaar ahaan xagga kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, khayraadka biyaha, iwm, taasoo Xukuumadda u suurto galisa in ay bixiso adeegyada lagama maarmaanka u baahiyaha bulshada. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda ayaa Golaha si qoto dheer ugaga xog waramay Khayraadka ku jira Baddeena iyo Kaydka Dihin ee Kalluunka ah ee Baddeena ku jira, waxaana uu Wasiirku sheegay in Badda JSL uu ku jiro in ka badan 360 nooc oo kalluun ah oo ganacsi geli kara . Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in uu aad u hooseeyo ka faaโideysiga Kalluunka. Caqabaddaha jirana ay yihiin: Qalab Laโaan, Xirfad laโaan, Maalgashi laโaan, Aqoon laโaan iyo iyada oo aanay jirin Siyaasad cad oo Qaran oo lagu hago ka faaโiidaysiga Kaluunka iyo khayraadka badaheena ceegaaga. Wasiirka Wasaarada Xananada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miiga ayaa golaha xog waran ka siiyey : โข Siyaasada Calafka Xoolaha oo ay Wasaaradu soo dhameys-tirtay โข Xogta xanuunada ku dhaca xoolaha ee dhamaan gobalada dalka โข Habraaca cusub ee Daaweynta Xoolaheena . โข Dhameystirka Daraasada Seeraha ee Qool-Cadey โข Qaban Qaabada Shir weyne Qaran oo lagu gorfeyn doono ka faaโideysiga Khayraadka Xoolaheena โข Yegleelka shaybaadh dhamays tiran oo lagu baadhi doono fayo-qabka xoolaheena โข Ilaalinta ku haboonanta caafimaadka Bulshada ee suuqyada caanaha โข Fayo-dhawrka Kawaanada Hilibka Xoolaha โข Dejinta Istaraajiyad Qaran oo la xidhiidha Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga. Dhanka kale, fadhigii maanta ee Golaha Wasiirada waxaa lagu ansixiyey Guddi Hoosaad-yada ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada JSL. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News Share this post Link to post Share on other sites