Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Goboka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey ciidamada Puntland, gaar ahaan geesiyaasha dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha Wasiirradu waxay ammaaneen guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka, iyagoo jab xooggan u geystay kooxda Daacish.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay go’aamiyeen in hey’adaha dowladda federaalka ay doorkooda ka qaataan garab istaagga ciidamada Puntland iyo shacabka dagaalka kula jira cadowga.

Tallaabadan ayaa lagu xoojiyey iskaashiga amni ee dalka iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Dowladda Federaalka ayaa horey u muujisay taageerada ay u hayso dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka, iyadoo dhiirrigelisay wada-shaqeynta ciidamada kala duwan ee ka howlgala gobollada Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this