Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay shirka guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo looga hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha joogtada looga dhageystay guddi walba qorshayaashiisa kalfadhiga lixaad iyo shuruucda uu gacanta ku hayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad oo dhowaan furmi doona ay Golaha Shacabka horyaalaan howlo muhiim ah iyo ka shaqeynta shuruuc kala duwan oo dowladnimada muhiim u ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this