Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha CIA oo loo soo bandhigay arrin yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   
Donald-Trump-scaled.jpg?fit=2560%2C1777&

Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA) ayaa Arbacadii sheegtay inay si “deg deg ah” u habeyneyso shaqaalaheeda si ay ula jaan-qaado qorshayaasha amniga qaranka ee maamulka Trump, iyadoo la fahamsan yahay in xubno ka tirsan shaqaalaha hay’adda loo yaboohay lacag si ay shaqada uga tagaan.

CIA-du waxay noqotay hey’addii ugu horreysay ee sirdoonka Mareykanka ee ka qayb qaadata barnaamijka “iskaa isku casil” ee uu bilaabay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo ballan qaaday inuu si weyn u dhimayo shaqaalaha dowladda, isagoo ku dooday in tallaabadan ay sare u qaadi doonto waxtarka iyo dhimista kharashaadka dawladda.

“Agaasime (John) Ratcliffe wuxuu si degdeg ah ugu dhaqaaqayaa si uu u hubiyo in shaqaalaha CIA ay si buuxda ugu hoggaansamaan mudnaanta amniga qaranka ee maamulka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda.

“Tallaabooyinkan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in hey’addu hesho tamar cusub, fursado loo abuuro hoggaan cusub oo soo baxaya, islamarkaana CIA si wanaagsan loogu diyaariyo fulinta howlaheeda.”

Ratcliffe—oo ahaa Agaasimaha Sirdoonka Qaranka intii u dhaxaysay 2020-2021 xilligii uu Trump xukunka hayay—waxaa bishii hore ansixiyay Aqalka Senate-ka ee Mareykanka.

Markii uu hortagayey sharci-dejiyeyaasha, wuxuu ballan qaaday in CIA ay hoos timaado hoggaankiisa ay soo saari doonto “falanqeyn sirdoon oo qoto dheer, dhexdhexaad ah, oo dhammaan ilaha xogta la kaashanaya, iyadoo aan marnaba la oggolaan in eexasho siyaasadeed ama mid shakhsi ah ay saameyso go’aamada iyo warbixinnada ay soo saarto.”

“Waxaan ururin doonnaa xog sirdoon, gaar ahaan midka bani’aadamka, meel kasta oo dunida ka mid ah, xitaa haddii ay tahay meel mugdi ah ama mid adag,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in CIA ay “fulin doonto howlgalada qarsoon ee uu madaxweynaha amro, iyagoo aadaya meelaha aan cid kale tegi karin, isla markaana qabanaya howlaha aan la qaban karin.”

Markii uu la hadlayey saraakiisha CIA, wuxuu yiri: “Haddii dhammaan arrimahan ay yihiin wax aad u soo dhar xiratay inaad u shaqeyso, markaa diyaargarow oo kaalin weyn ka qaado. Haddii aysan sidaa ahayn, waxaa la joogaa waqtigii aad shaqo kale raadsan lahayd.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this