Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaabkii ugu badnaa oo usoo gacan-galay

Recommended Posts

Deeq A.   
lasoo-bandhigay.png?fit=1014%2C519&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay maamulkaasi.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban illaa 10 xubnood, kana soo goostay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay  xarunya Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaalada Baydhaba.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka ay baahisay Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah ragga isa soo dhiibtay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan ee ka dhalatay howl-gallada culu ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen wareysiyada laga qaaday.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this