Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Ciise Yulux: Waxaan ballan-qaadaynaa in aan si buuxda u tirtiro Argagixisada go’doonsan ee Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250206_094612613.jpg?resize=720Jeneraal Ciise Yulux

S/Guuto Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) oo kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee hoggaaminaya Hawlgalka CALMIS ayaa ballan ku qaaday in ay si buuxda u tirtiri doonaan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Jeneraal Ciise Yulux oo ka dul khudbeeyay meyad ajaanib ah oo ciidamada difaaca Puntland ku dileen hawlgalkii u danbeeyay ee togga Jeceel ayaa sheegay in firxadka harsan ee dagaallamayaasha Daacish ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto oo sharciga la horgeeyo.

“Waxaan ballan-qaadaynaa oo u ballan-qaadaynaa dowladdeena Puntland iyo mudane Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo sidoo kale Soomaali iyo Caalamkaba in aan nin danbe oo ajnabi ah ku hari doonin dhulkeenna in aanu ka tirtiro oo ka ciribtirno” ayuu yiri Jeneraal Ciise Yulux.

Taliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in dagaallamayaasha Daacish ee weli ku go’doonsan buuraha Calmiskaad ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto islamarkaana aysan cidna ka baxsan doonin.

PUNTLAND POST

The post Jeneraal Ciise Yulux: Waxaan ballan-qaadaynaa in aan si buuxda u tirtiro Argagixisada go’doonsan ee Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this