Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1738852762253.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa  garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .

Madaxweynaha ayaa ka  tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada , hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasi oo ah mid ay si gaar ah ugu amaananyihiin dadka reer Puntland.

Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo sawirada

FB_IMG_1738852725091.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1738852781424.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1738852798981.jpg?resize=720%2C66 FB_IMG_1738852752800.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1738852729227.jpg?resize=720%2C11 FB_IMG_1738852738395.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1738852733128.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1738852806866.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this