Saalax Posted September 26, 2010 Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Furay + SAWIRO Ceerigaabo(Oodweynenews)- Kaddib toddobaadkii hore dhammaadkiisii markii si ku meel gaadh ah loo xidhay Dugsiga Sare (Haji AdenSecondary School) ee Ceerigaabo. Ayaa kulammo dhex maray maammulka wasaaradda, macallimiinta iyo guddiyada walidiinta waxa si rasmi ah mar kale dib loo furay dugsigaasi. Iyadoo macallimiinta wax ka dhigaya iyo ardayduba si dhammays tiran xilliyada loo qoondeeyey halkaas ay ka xaadirayaan. Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ayaa isaguna maalmahan saacadihiisa shaqo intooda badan ku qaadanayey dugsigan sare (Haii Aden) ee Ceerigaabo si uu u hubiyo habsami u socodka guud ahaanba hawlaha dugsigan. Saxaafadda oo maanta booqatay dugsigaasi waxna ka weydiisey hawlaha dugsigan ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolk Sanaag C/raxmaan Siciid Xuubey wuxu yidhi “Shirar badan oo dhex maray maammulka wasaaradda iyo macallimiinta iyowaalidiinta kaddib ayaa waxa dugsigan sare (Haji Aden) si rasmi ah loo furay Sabtidii, sababihii hakadka hore keenay iyo caqabadihii soo wajahayna waa la isla saxy”. Isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka ilaa hadda jira ee u baahan si guud in cxal loo helona wuxu yidhi “Dhibaatooyinka kale ee jira waxa ka mid ah macallimiintii Masaarida ahayd ee dugsigan wax ka dhigi jirey oo sannad-dugsiyeedkii inna dhaafay iyo sannad-dugsiyeedkan toonna aan dugsign ka hawl gelin iyo tirada ardayda ardayda oo badan awgeed in aan fasalladu ku filnayn iyadoo fasallada qaarkoodna ay ku fadhiyaan dhawr iyo 90—100 arday”. Sikastaba ha ahaatee xilligan ayaa dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo waxa ka muuqata dardar gelin hor leh oo hareeraha laga taagan yahay tayaynta waxbarasho iyo maammulkaba ee dugsigaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted September 26, 2010 Good to see this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 26, 2010 nice pics nothing but good comes from ceerigabo now and days. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted September 26, 2010 Good to see that Ceerigaabo High School is renamed after one of the great Sanaagian poets Xaaji Adan Afqalooc. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 26, 2010 Originally posted by Suldaanka: Good to see that Ceerigaabo High School is renamed after one of the great Sanaagian poets Xaaji Adan Afqalooc. Indeed, it's great to see the schools being named after famous sanaagian poets such as Haji Adan Afqalooc may god bless his soul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted September 26, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: nice pics nothing but good comes from ceerigabo now and days. I guess it's a good thing that mostly good news is coming from that side of the corner alhamdullilah we should all be grateful to allah, who gave barqaawo, prosperity, opportunities to the upcoming young generation of this particular community. Quote Share this post Link to post Share on other sites