Sign in to follow this  
Saalax

Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Furay + SAWIRO

Recommended Posts

Saalax   

Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Furay + SAWIRO

 

Ceerigaabo(Oodweynenews)- Kaddib toddobaadkii hore dhammaadkiisii markii si ku meel gaadh ah loo xidhay Dugsiga Sare (Haji AdenSecondary School) ee Ceerigaabo. Ayaa kulammo dhex maray maammulka wasaaradda, macallimiinta iyo guddiyada walidiinta waxa si rasmi ah mar kale dib loo furay dugsigaasi. Iyadoo macallimiinta wax ka dhigaya iyo ardayduba si dhammays tiran xilliyada loo qoondeeyey halkaas ay ka xaadirayaan.

 

 

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ayaa isaguna maalmahan saacadihiisa shaqo intooda badan ku qaadanayey dugsigan sare (Haii Aden) ee Ceerigaabo si uu u hubiyo habsami u socodka guud ahaanba hawlaha dugsigan.

 

 

o9tp6fb1u1yxi0k1ibkc.jpg

 

 

Saxaafadda oo maanta booqatay dugsigaasi waxna ka weydiisey hawlaha dugsigan ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolk Sanaag C/raxmaan Siciid Xuubey wuxu yidhi

“Shirar badan oo dhex maray maammulka wasaaradda iyo macallimiinta iyowaalidiinta kaddib ayaa waxa dugsigan sare (Haji Aden) si rasmi ah loo furay Sabtidii, sababihii hakadka hore keenay iyo caqabadihii soo wajahayna waa la isla saxy”. Isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka ilaa hadda jira ee u baahan si guud in cxal loo helona wuxu yidhi

“Dhibaatooyinka kale ee jira waxa ka mid ah macallimiintii Masaarida ahayd ee dugsigan wax ka dhigi jirey oo sannad-dugsiyeedkii inna dhaafay iyo sannad-dugsiyeedkan toonna aan dugsign ka hawl gelin iyo tirada ardayda ardayda oo badan awgeed in aan fasalladu ku filnayn iyadoo fasallada qaarkoodna ay ku fadhiyaan dhawr iyo 90—100 arday”.

 

04d74vklrjhocspq8wwk.jpg

 

 

Sikastaba ha ahaatee xilligan ayaa dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo waxa ka muuqata dardar gelin hor leh oo hareeraha laga taagan yahay tayaynta waxbarasho iyo maammulkaba ee dugsigaas.

 

 

e0s5uin13bui7m4oa0.jpg

 

zbwkqeztl4029dc89b.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Suldaanka:

Good to see that Ceerigaabo High School is renamed after one of the great Sanaagian poets Xaaji Adan Afqalooc.

Indeed, it's great to see the schools being named after famous sanaagian poets such as Haji Adan Afqalooc may god bless his soul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

nice pics nothing but good comes from ceerigabo now and days.

I guess it's a good thing that mostly good news is coming from that side of the corner alhamdullilah we should all be grateful to allah, who gave barqaawo, prosperity, opportunities to the upcoming young generation of this particular community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this