Xaq Posted May 15, 2009 Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda KMG oo xilkiisii laga wareejiay iyo taliye kale oo la magacabay. shabelle Posted: 5/14/2009 9:09:00 PM Shabelle: MUQDISHO Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga wareejiyay xilkiisa iyadoo sidoo kale la magacabay taliye cusub. kadib kulan ay maanta Xafiiska ra’iisul wasaaraha ku yeesheen wasiirada dowladda KMG Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Cali Max’uud oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay hoyga Ra’iisul wasaaraha ee magaalad Muqdisho waxaa uu ku sheegay in xilkii ay ka qaadeen taliyihii ciidanka xooga dalka general Sacdiid Max’ed Xirsi (Saciid Dheere). Wasiirku waxaa uu sheegay in xilkaasi loo dhiibay oo ay u magacaabeen talaye ku xigeenka ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya Yuusuf Cusmaan Dhumaal,waxaana uu xusay in Saciid Dheere laga dhigay taliyaha dhanka Ammaanka ee madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekhg Axmed. Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in sheikh Xasan Daahir Aweys uu doonayo in uu afgambiyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu warbixin ka bixiyay dagaalada maalmihii u dambeeyay ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray. Waxaa uu tilmaamay in dagaaladaasi ay ku dhinteen 103-qofood halka sidoo kale uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 420-qofood oo rayid ah sida ay ka ******** xariir ay la samneeyeen isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana uu sidoo kale carabka ku dhiftay in dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan 18-kun oo qof oo rayid ah kuwaasi oo u adgeysan waayay dagaalada gudaha Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Mucaaradka iyo dowladda KMG Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites