Sign in to follow this  
Siciid1986

13 Somaliland MPs from UDUB and UCID JOINS KULMIYE

Recommended Posts

Saddex iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ku abtirsada labada xisbi ee UDUB iyo UCID, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay taageeradoodii siyaasadeed si rasmi ah ugu wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

 

Sidaana waxay ku caddeeyeen kooxda mudanayaasha ah baaq ay si wadajir ah xalay fiidkii uga soo saareen caasimadda Hargeysa, kuwaas oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku eedeeyey inay hawlan yihiin shirqoollo lagu curyaaminayo qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26ka bishan June ee aynu ku jirno.

 

Xildhibaannada hore uga tirsanaa xisbiyada UDUB iyo UCID ee ku dhawaaqay inay taageeradoodii siyaasadeed siyaasadeed ku wareejiyeen xisbiga KULMIYE, waxa ay isugu jiraan 7 mudane oo ka soo jeeda xisbul-xaakimka UDUB iyo lix xildhibaan oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

 

Baaqaas oo kooxda mudanayaasha ah si faahfaahsan ugaga hadleen arrimaha doorashada iyo caqabadaha masuuliyiinta xukuumadda UDUB ku dibindaabyeynayaan oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay xalay waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

 

“Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan, ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:

 

1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u qaatay taliyaha bilaysku).

 

2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu wargeliyey hay’adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka, taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo doorashadaba.

 

3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka, hay’adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.

 

Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta, caddaalad-darrada iyo horumar la’aantan qaranka daashatay, waxaannu talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go’aansanay sidan:

 

1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;

 

2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;

 

3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;

 

4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;

 

5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay badbaadinta jiritaanka qaranka.

 

6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan goobaha codbixinta;

 

7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;

 

Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; ‘Hadhowbaa la hufaaye horta waa la hanta.’

 

Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:

 

1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID

 

2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB

 

3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID

 

4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB

 

5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID

 

6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB

 

7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID

 

8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB

 

9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB

 

10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB

 

11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID

 

12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID

 

13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodka,

 

Things change overnight as u know ,,, this is politics and looks like Kulmiye played all his cards now as the incumbent have been silent and watching things from the window.

 

Some of the heavy weights left Udub since the last few days but they still insist that they have their plans.

 

2 more weeks ,,, and things will be more clearer ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

UDUB Iyo UCID oo la filayo inay soo Bedeshaan 13 Xildhibaan oo ku Dhawaaqay inay ku Biireen KULMIYE

 

 

Xisbiyada UDUB iyo UCID ayaa la filayaa inay Bedeshaan 13 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada ooku dhawaaqay in ay ka digo rogteen xisbiyaddii ay ka soo baxeen doorashadii Baarlamaanka, isla markaana ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, oo ay sheegeen inay ku garab istaagi doonaan sidii uu wadanka uga dhici lahaa Isbedel dhab ah oo lagu badbaadiyo.

 

Sidaana waxa sheegay warar Xog-ogaal ah oo aanu ka helnay labadaa xisbi, waxaana la filayaa inay Xubinimadooda golaha buuxiyaan Xildhibaanada keydka ah ee ku soo xigay dhinaca liiskii Musharaxiintii Xisbiyada.

 

Waxaanay labada xisbi u daliishanayaan maadaama ay ka baxeen xisbiyadii ay ku soo baxeen inay waayayaan xubinimadii golaha Wkiilada xisbiyaduna xaq u leeyihiin inay soo bedeshaan, xisbiga UDUB ayaana durba bilaabay dhaqdhaqaaq arrintaa ku waajahan.

 

Baaq ay ku midaysan yihiin oo ay si wada jir ah u saxeexeen 13kaa mudane, ayaa waxa ay dhinaca kale baaq culus ugu soo jeediyeen dadweynaha Somaliland ee isu diyaarinaya doorashada madaxtooyadda ee Somaliland ee dhici doona bishan 26-keeda, waxaanay u soo jeediyeen in ay codkooda si nabad ah u dhiibtaan oo ay ilaashadaan goobaha codbixinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this