Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda caalamka oo si xooggan uga fal-celiyey qorshaha Trump ee la-wareegista Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-Netanyahu--scaled.jpg?fit=2560%2C1

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay in Maraykanku la wareegi doono Marinka Gaza, isaga oo soo jeediyey in Falastiiniyiinta halkaas ku nool la dejiyo dalal kale, sida Masar iyo Urdun.

Waa tan jawaabta caalamiga ah ee ka dhalatay hadalkan.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xamaas – Sami Abu Zuhri

“Dadkeena ku sugan Marinka Gaza ma ogolaan doonaan qorshahan, waxaana loo baahan yahay in la soo afjaro gumeysiga iyo xadgudubyada Israa’iil ay ku hayso dadkeena, halkii la isku dayi lahaa in la masaafuriyo.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga

“Sacuudi Carabiya waxa ay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, waxa uu si cad u sheegay mowqifka boqortooyada, taasoo aan u baahnayn wax fasiraad ah xaalad kasta oo jirta.”

Wasiirka arrimaha dibadda UK – David Lammy

“Arrinta Gaza, Donald Trump wuu saxan yahay. Marka la eego sawirrada muujinaya Falastiiniyiinta si xun loo barakiciyay bilihii badan ee dagaalka uu socday, waxay ka marag kacaysaa in Gaza ay burburtay. “Waan caddeynay mar walba in aan aaminsanahay xalka laba dowladood. Waa in Falastiiniyiintu awoodaan inay ku noolaadaan, horumarna ka gaaraan dhulkooda—Gaza iyo Daanta Galbeed.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Faransiiska – Christophe Lemoine

“Faransiisku wuxuu si adag uga soo horjeedaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza, taasoo ah xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Tani waa weerar toos ah oo ka dhan ah xaqii Falastiiniyiinta ee dhulkooda, caqabadna ku ah xalka laba dowladood. Sidoo kale, waxay halis ku tahay xasilloonida Masar, Urdun, iyo guud ahaan gobolka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Spain – Jose Manuel Albares

“Waxaan rabaa inaan si cad u muujiyo: Gaza waa dhul ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta ee reer Gaza, waana inay halkaas ku sii noolaadaan. Gaza waa qayb ka mid ah dowladda mustaqbalka ee Falastiin, taasoo Spain taageersan tahay. Waa in la helaa xal xaqiijinaya nabadda labada dhinac, iyadoo la ilaalinayo barwaaqada iyo amniga Israa’iil.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland – Simon Harris

“Jihada arrimuhu u socdaan aad ayay u cadahay—waxaa loo baahan yahay xal laba dowladood ah. Dadka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil waxay leeyihiin xaq ay ugu noolaadaan dowladooda, si nabad ahna iskula deris noqdaan. Qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Gaza wuxuu si cad uga hor imaanayaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar – Badr Abdelatty

Abdelatty wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, Maxamed Mustafa, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dardar geliyo dib-u-dhiska Gaza, iyada oo aan Falastiiniyiinta laga saarin dhulkooda.

Madaxweynaha Falastiin – Mahmoud Abbas 

Abbas wuxuu caddeeyay in shacabka Falastiiniyiinta aysan marnaba ka tanaasulayn dhulkooda, xuquuqdooda, iyo goobahooda barakeysan. Waxa uu sidoo kale xusay in Marinka Gaza uu yahay qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dhulka Dowlad Goboleedka Falastiin, oo ay wehliyaan Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Mas’uul sare oo ka tirsan Iiraan

“Iiraan ma ogola qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta, waxaana mowqifkan lagu caddeeyay iyada oo loo marayo marinno kala duwan.”

Afhayeenka Kremlin – Dmitry Peskov

“Ruushka wuxuu aaminsan yahay in xalka Bariga Dhexe uu suurtagal noqon karo oo keliya marka la hirgeliyo xalka laba dowladood. Tani waa mabda’a lagu caddeeyay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mowqifkan la wadaaga inta badan dalalka caalamka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha

“Shiinaha wuxuu rajaynayaa in dhammaan dhinacyada ay ka faa’iidaystaan fursadda xabbad-joojinta iyo dib-u-dhiska kaddib dagaalka, si arrinta Falastiiniyiinta loogu celiyo wadada xalka siyaasadeed ee ku dhisan laba dowladood.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey – Hakan Fidan

“Hadalka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la xiriira qorshaha lagula wareegayo Gaza waa mid aan la aqbali karin. Qorshe kasta oo Falastiiniyiinta laga saarayo xisaabta wuxuu kicindoonaa colaad hor leh.”

Xoghayaha guud ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO) – Hussein Al-Sheikh

“Hoggaanka Falastiiniyiinta wuxuu mar kale xaqiijinayaa mowqifkiisa cad: xalka laba dowladood, oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waa dammaanadda kaliya ee amniga, xasilloonida, iyo nabadda.”

Islamic Jihad

“Mowqifyada iyo qorshayaasha Trump waa kor u qaadida xiisadda, waxayna khatar gelinayaan amniga dalalka Carabta iyo gobolka, gaar ahaan Masar iyo Urdun, kuwaasoo Mareykanku doonayo in uu ku khasbo dagaal ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta.”

Wasiirka deegaanka ee UK – Steve Reed

“Mowqifka dowladda UK waa mid cad… waa in shacabka Falastiiniyiinta loo oggolaadaa inay dib ugu laabtaan guryahooda oo ay dib u dhistaan noloshooda. Dadkaasi waxay la kulmeen dhibaatooyin aad u daran muddo bilo ah, waana muhiim in ay dib ugu laabtaan si ay u bilaabaan nolol cusub.”

Ra’iisul Wasaaraha Australia – Anthony Albanese

“Mowqifka Australia waa sidii shalay, sidii sanadkii hore. Dowladda Australia waxay si wadajir ah u taageersan tahay xalka laba dowladood.”

Rashida Hlaib – Xubin ka tirsan Kongareska Maraykanka

“Falastiiniyiintu ma baxayaan. Madaxweynaha wuxuu hadalkan xagjirka ah oo keliya uga dhawaajiyay taageerada labada xisbi ee Kongareeska ay siiyaan xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed. Waa waqtigii ay xildhibaannada taageersan xalka laba dowladood ay si cad u hadli lahaayeen.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this