Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qabatay xubin muhiim ah oo ka tirsan Kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay mid kamid ah xubnaha ajaaniibta ah ee Kooxda  ISIS.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu bixiyey macluumaad muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka socda buuraha Cal Madow iyo qorshayaasha kooxda

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa yiri  “Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada aan ku ciribtirayno argagixisada. Ninkan la qabtay waxa uu ka mid ahaa ajaaniibta ku sugan Soomaaliya, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ISIS.”

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dheeraad ah si loo helo xog dheeraad ah oo la xiriirta xubnaha kale ee kooxda iyo qorshayaashooda.

Laamaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this