Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta duqeyn ka dhacday Bari iyo weerar 4 jiho ah oo ay qaaday PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   
Hawlgal-Calmiskaad.jpg?fit=2048%2C1350&s

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd bartilmaameed si gaar ah loogu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada ku sugan aagga buuraha Cal-Miskaad.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish.

“Duqeyn iyo Hawlgal : Cirka iyo dhulka ayeey kaga socota Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Togjaceel. Ku dhowaad 15 Ajaanib ku jirto ayaa lagu dilay duqeynta iyo hawlgalkii caawa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

Dhinaca kale waxaa saaka weerar kale oo 4 jirho ah qaaday ciidamada Puntland, kuwaas oo kusii dhowaanaya aagaga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Daacish, iyaga beegsaday dusha sare ee Togga Jacayl, oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus.

Puntland ayaa sheegtay in ujeedka uu yahay inay ka hortegto firxadka maleeshiyaada kooxda, si aysan hoos ugu soo dagin booraha hoostooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanayo dagaalka labada dhinac oo ay  barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxibada caalamiga ah.

Shalay ayay ahayd markii uu dagaal qaraar ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, halkaasi oo xubno badan ajaaniib ahaa looga dilay kooxda Daacish, waxaana sidoo kale jira in dhankeeda Puntland tobaneeyo askari looga dilay dagaalka, kuwa kalena laga dhaawacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this