Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Mas’uul ay magacowday DF oo lagu dulay dagaalka Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   
476017678_1138288081086787_4225811980727

Baardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada oo ay isku hayaan labada dhinac.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna ahaa madaxda arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this