Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka GEESKA AFRIKA: Dhibaha iyo Dheefaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenya-Somalia-Ethiopia.jpeg?fit=973%2C77

Aagga Dalalka Geeska Afrika (DGA) waa kan ugu kooneeya qaaradda Afrika, dhinaca bari. Waxa uu ka kooban yahay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Waa aag xasaasi ah oo xasarado badan ay ka jireen qarniyo badan, tan iyo waagii hore. Ma degi karaa? Yaa isku haysta? Ma jiraa wax gobolka u gaar ah?

Marka hore, ogow in uu ku fooraro, koonfurta ka xigo Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya. Waa marin badeed ay maraan boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga adduunka, oo ay ku jiraan shidaalka laga keeno Gacanka Carbeed ama Faarisiga, kolba sida aad u qaadato.

Sidaas darteed, indhaha dalal badan ayaa kusoo jeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dowladaha waaweyn, kuwa dhexdhexaadka ah, iyo kuwa gobollada kale. Dhibaatooyinka iyo faa’iidooyinka ka jira aagga waa kuwo isku xidhan. Waxaa ka mid ah: gaajo, harraad, nabadgelyada badda, siyaasado cakiran, iyo tartanka loogu jiro gacan ku haynta gobolka.

Waxaa sidoo kale meesha soo gala loollanka Masar iyo Itoobiya, oo had iyo jeer isku haysta biyaha Webiga Niilka Buluuga. Xaaladda hadda taagan waxay salka ku haysaa biyo-xidheenka ay Itoobiya dhisatay, oo ay ugu magac dartay Biyo-xidheenka Dib-u-curashada Itoobiya (BDI). Xidhiidhka labada dal wuu sii xumaaday, iyadoo BDI uu qayb weyn ka yahay muranka.

Itoobiya waxay filaysaa in BDI uu kobcin doono dhaqaalahooda, balse saamayntiisu waxay gaadhaysaa ammaanka gobolka. Arrintan waxay si gaar ah u taabanaysaa Soomaaliya, oo xiriir taariikhi ah la leh Masar, Eritrea, Jabuuti, iyo weliba Suudaan, oo Galbeedka ka xigta Itoobiya. Dhibaatada ay dhalisay ayaa saameyn ku yeelatay xasiloonida gobolka oo dhan, iyadoo Masar iyo Itoobiya ay si isdabajoog ah u loollamayaan.

Itoobiya waxay isku aragtaa, ama waligeedba ku hammiday, inay tahay awoodda ugu weyn ee gobolka DGA. Ciidamo badan iyo hub badan ayay haysataa, hase yeeshee, dalalka kale ee gobolku si rasmi ah uma aqoonsana awoodeeda.

Dhanka kale, Masar waxay xiriir la leedahay dalalka kale ee gobolka sida Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, iyo Suudaan. Itoobiya waxay ku guul-darraysatay inay xidhiidh wanaagsan la yeelato dalalkan, inkasta oo ay isku dayday. Hadda, hanjabaadaha Masar ayaa kaga xoog badan dedaallada Itoobiya.

Itoobiya waxay mar walba sheegtaa inay bad u baahan tahay, taasina waxay keentay in dalal kale, sida Turkiga, ay si dhow ula macaamilaan Soomaaliya si ay uga caawiyaan ilaalinta badda.

Haddaba, awoodda Masar, oo mar islahayd Geeska Afrika adigaa ugu awood badan, hadda wuu yaraaday. Culays badan ayaa yimid markii Turkigu heshiis dhex dhigay Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasi waxay si toos ah u beddeshay miisaanka awoodaha gobolka, iyadoo ciyaartoy kale ay soo galeen xisaabta.

Xundhurta heshiiska lama oga, balse waxaa la xaqiijiyay in uu salka ku hayo arrimaha amniga, kobcinta ganacsiga, iyo iskaashiga lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee gobolka ku nagaaday tobannaan sano.

Turkigu hadda wuxuu u muuqdaa in uu noqday awoodda shisheeye ee ugu firfircoon ee gobolka ka shaqaynaysa, isagoo dhaqaale ahaan danihiisa kobcinaya. Isbeddel weyn ayaa ku dhacay qaab-dhismeedkii gobolka, oo si ka duwan sidii hore loo wajahayo awoodaha.

Inkasta oo la leeyahay waxbay u taraysaa Soomaaliya, haddana weli lama arko isbeddel muuqda oo ku yimid amnigeeda ama dhaqaalaha. Dhibaatada iyo hoogu sidii bay u taagan yihiin; siyaasadda qasan sidii bay u qasan tahay; argagixisadu sidii bay u goolibaadhaysaa. Shacabkuna uma muuqdaan kuwo si buuxda u ogol heshiiska ay Itoobiya la galeen.

Waxaa kale oo jira walaac ay qabaan dalalka jaarka sida Kenya iyo Jabuuti, kuwaas oo aan si sax ah u fahamsanayn sida ay wax u socdaan. Waxaana cabsi hor leh keeni kara kororka dhaqaale ee Soomaaliya, gaar ahaan haddii shidaalka laga filayo baddeeda la soo saaro tobannaan sano ee soo socda.

Danaha reer Galbeedka kama maqna xisaabta gobolka DGA, gaar ahaan Maraykanka, Shiinaha, iyo Ruushka, oo si firfircoon uga dhex muuqda Itoobiya, Jabuuti, iyo Eritrea. Hindiya ayaa iyaduna dadaal ugu jirta in ay saamayn ku yeelato gobolka.

Waddamada Gacanka Carabtuna waxay saameyn ku leeyihiin gobolka, gaar ahaan Imaaraadka, oo si weyn ugu lug leh siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba waxay xiriir dhow la leeyihiin Imaaraadka, hase yeeshee, lama oga halka ay wax u dambayn doonaan.

Haddaba, waxa muhiim ah in dadka gobolka ay fahmaan in danahooda ay gacantooda ku jiraan. Shisheeyuhu danahooda ayuu ka shaqaynayaa. Marka maxaa diidaya in Soomaalida gaar ahaan ay ka shaqeeyaan danahooda, isku tanaasulaan, wax wadaagaan, oo ay isku darsadaan halkii ay sii kala fogaaan lahaayeen, iyagoo moodaya inay danaysanayo, balse dhab ahaantii cadowgooda xoojinaya? Waa su’aal da’ weyn.

Dr. Suleyman Axmad Walhad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this