Jacaylbaro Posted March 25, 2009 Hargeysa(Qarannews)- Golaha Guurtida JSL Ayaa fadhigoodii saaka dood ka yeeshay wareegtadii uu Madaxweyne Rayaalle ku wargeliyay in ay doorkooda ka qaataan soo jeedintii komishanka ee doorashada dib loogu dhigay ilaa dabayaaqada bisha May ee Sanadkan. Golaha oo uu saaka guddoominayay Guddoomiyaha Golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa xildhibaanada madasha fadhiyay oo ka koobnaa 62 Mudane loo qaybiyay qoraalka uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay kaas oo u dhignaa sida tan: "Mudaneyaal, anigoo tixraacaya warqada ka soo baxday Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuna lifaaqan yihiin qorshaha wakhtiyaysan ee hawl fulineed iyo go’aanka Guddiga komishanka qaranka ee doorashooyinka, kaasi oo ay ku caddahay in doorashadii madaxtooyadu ay dib uga dhacday wakhtigii hore loogu tallo-gashanaa inay qabsoonto ayaan idiin soo gudbinayaa qoraalada halkan ku lifaaqan. Haddaba sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 20/2001-da xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, wuxuu komishanku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka. Sidaas darteed, waxaan idiin soo gudbinayaa Go’aanka Komishanka doorashooyinka oo is fasiraya, si aad uga gudataan xilkiina dastuuriga ee ku qeexan Qodobka 83-aad, isla markaana aad qiimaysaan sida aynu ku gaadhi karno doorasho aan lahayn mad-madow iyo dib u dhac dambe hadii alle yidhaahdo." Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal uu Xildhibaanada u soo jeediyay wuxuu yidhi "Waxa Mudaneyaal la idiin qeybinayaa wixii xeerar ah ama ha ahaado Madaxweynaha ama Komishanka doorashooyinku soo gudbiyeen ha ahaado ee la cuskaday waxa ugu horeeya xeerkii doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, komishankana aasaaskiisu xeerkaasi ayuu ku jiraa kaas waa la idiin soo gudbinayaa, waxa kale oo aan idiin soo gudbinaynaa xeerkii diiwaan gelinta iyo lifaaqiisii oo wada socda." "Qodobka dastuurka ah ee 83-aad waxaan filayaa inaad dusha ka wada haysaan dastuurkiina aad wada haysataan, marka arrimahan oo kale la inoo soo gudbiyo wuxuu xeer hoosaadka Golaheenu dhigayaa inaynu haysano 24 illaa 48 saacadood oo lagu dul fikiro, maanta iyo barito soo akhridaan ka baaraan degtaan Sabtidana aynu iskugu nimaadno oo hawsha nuxurkeedii uu inoo bilaabmo," Md. Saleebaan waxa kale oo uu ka hadlay Ciidan ilaalo ah oo saaka isa soo tuban wajahada hore ee Golaha guurtida iyaga ooo qaarkooda gudaha aqalka soo galeen, waxana uu gudoomiyuhu arrintaa ku macneeyay mid aanu hore golaha guurtudu dhaqan ugu lahayn in ay yimaadaan ciidamo aan ahayn kuwa golaha ilaaliya, hadaladiisiia waxa ka mid ahaa "Saaka Ciidamo badan ayaan xerada ugu imid sidii dhaqanku inoo ahaan jirayna ciidamadu xeradu dibada ayay ka joogi jireen, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladana waan weydiiyay oo wuxuu igu yidhi uma aan yeedhan, hadii aynu u baahano inagaa u yeedhan doona ee waa inay dibada naga joogaan." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 25, 2009 The Somaliland’s Upper House of the parliament started today the discussion of a Presidential Decree distributed by the chairman. The decree was signed by the President to define the date of the Presidential election which is set to be on 31st May 2009. The session which was participated by 62 members received copies of the degree attached to the Electoral Committee’s decision to postpone the date of the elections. The chairman of the House of the Elders, Mr. Suleiman explained the agenda and requested the members to go through the distributed documents and come back for discussion on Saturday. He said that they have 24 to 48 hours to read and then sit for a discussion according to the law. The security was tightened inside and around the parliament building and many police forces were seen controlling the main entrance of the house. The National Electoral Committee declared earlier this month that the elections will take place on 31st of May this year where the government acknowledged the new date and the main opposition party rejected the decision. The other opposition party said they accept the new date as long as the additional time is very short but called for a broader government which the opposition is included. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 25, 2009 ^^war Jaceyl, postiga danbe ee ingiriiska ahi ma tarjumidaadiibaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted March 25, 2009 ^^It is for the likes of me, north iyo Ngonge dhee, ma buuk been aah baa?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 25, 2009 No actually it's good translation. I just appriciate how dedicated good Jacayl baro is. Only if he had extra hand, the man, unlike Duke, is shorthanded. Oodweynaa dad u xiga isna waa uun tookhaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 25, 2009 It is not my translation but from other sources ... i don't have that much time in my hands niyow. Quote Share this post Link to post Share on other sites