Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubaland oo dib u qabsaday xarunta degmada Baardheere iyo ciidankii DF…

Recommended Posts

Deeq A.   
202524638742407688865801.jpg?fit=660%2C3

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta isbeddal lama filaan ah uu ka dhacay gobolkaasi, kadib markii ciidamada Jubbaland ay dib ula wareegeen gacanta ku haynta xarunta degmada Baardheere.

Isbeddalka ayaa yimid, kadib markii xalay ciidamadii horay u joogay gudaha degmadaas oo taabacsanaa dowladda federaalka ay ka baxeen Baardheere, waxaana saaka gudaha u galay Daraawiishta Jubbaland oo si buuxda hadda u maamulayo xarunta degmada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay ku timid, kadib kala fur-furis lagu sameeyay ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee taabacsanaa dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa xarunta degmada Baardheere tegay guddoomiyaha degmadaas ee Jubbaland, Mudane Aadan Muxumad Axmed, isaga oo kormeer ka sameeyay Baardheere, kaas oo lagu qiimeynayay xaaladda guud iyo arrimaha ammaanka ee degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan wixii ka dambeeya ay gudan doonaan waajibaadkooda, xaruntana loogu shaqeyn doono bulshada deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Gedo, kuna aadan la weerigaanka Jubbaland ee degmada Baardheere.

Dowladda Dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa indhowanahan si weyn ugu loolamayay gacanta ku haynta gobolka, taas oo salka ku hayso xiisadda labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this