Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex u jeedo oo Trump uu ka lahaa amarkii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-scaled.jpg?fit=2560%2C1751&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Toddobaadyo kadib markii Donald Trump dib ugu soo laabtay Xafiiska Oval-ka, Mareykanka ayaa Sabtidii fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Weerarradan ayaa dad badan ka yaabiyay, maadaama uu Trump horey u amray in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka intii uu xilka hayay. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli Soomaaliya aysan ka mid ahayn meelaha ay dunidu sida weyn indhaha ugu hayso, iyada oo laba dagaal oo waaweyn ay ka socdaan caalamka.

Bayaan ka soo baxay mamaulka Trump ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Mareykanku fuliyaan tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Wararka duqeymaha kaddib, Xoghayaha Difaaca ee cusub, Pete Hegseth, ayaa sheegay in qiimeyntii ugu horreysay ay muujisay in weerarradu ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, kuwaas oo ku sugnaa buuraleyda Golis, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Trump ayaa is bogaadiyay, isaga oo bartiisa Truth Social ku qoray in weerarka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada.

“Weerarradan waxay burburiyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu, waxaana lagu dilay tiro badan, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan dad rayid ah. Anigu ayaan go’aankaas qaatay, sababtoo ah Biden iyo kooxdiisu waxba kama qaban,” ayuu Trump ku qoray TruthSocial.

Wuxuu intaas ku daray: “Farriinta aan u dirayno Daacish iyo ciddii Mareykanka cadow ku ah waa mid cad: ‘WAANU IDIN SOO HELI DOONAA, WAANUNA IDIN DILI DOONAA!’”

Haddaba, muxuu Trump uga dan lahaa amarka weerar?

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo Sabtidii dhacay, Hegseth wuxuu xaqiijiyay in weerarrada ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ay ka mid yihiin F/A-18, kuwaas oo laga qaaday markabka USS Harry S. Truman, oo ku sugan Badda Cas.

“Hawlgalkaan wuxuu sii wiiqayaa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan weerarro argagixiso oo khatar ku ah Mareykanka, saaxiibbadeenna, iyo dad rayid ah,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca.

Waxaa jira saddex sababood oo suurtagal ah oo duqeymaha Soomaaliya loo fuliyay:

1 – Tallaabo astaanta Ah

Warbixin uu daabacay New York Times ayaa xustay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ay aaminsan yihiin in duqeymahan ay ahaayeen tallaabo calaamadeyn ah oo aan lahayn saameyn militari oo weyn. Trump ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay in uu isu muujiyo sidii hoggaamiye adag oo ka hortagaya argagixisada, taas oo mar walba ahayd astaan siyaasadeed oo uu ku faano.

2 – Aargoosiga weerarkii New Orleans

Sanadka 2025 wuxuu ku billowday dhacdo argagax leh oo ka dhacday New Orleans, halkaas oo nin Mareykan ah oo horey uga tirsanaa ciidanka, islamarkaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Daacish dhiirigelisay, uu dad badan ku jiirsiiyay gaari intii ay dabaaldegyada sanadka cusub socdeen.

Weerarkii Mareykanka ee Soomaaliya waxaa loo fasiran karaa aargoosi ka dhan ah falkaas, iyada oo sidoo kale muujinaysa in Washington ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Daacish, xitaa meelaha ka fog sida Soomaaliya. Khubaro ka tirsan laamaha amniga Mareykanka ayaa horay uga digay in khatarta Daacish ay korodhay.

3 – Aamusinta mucaaradka gudaha

Trump ayaa horey u shaaciyay xaalad degdeg ah oo la xiriirta xuduudaha Mareykanka, wuxuuna codsaday in ciidamo badan la geeyo halkaas. Mucaaradkiisa ayaa dhaleeceeyay go’aankaas, iyaga oo sheegay in tani ay carqaladeyn karto howlgalada kale ee militari.

Sidaas darteed, weerarka Soomaaliya waxaa loo arkay mid uu Trump ku muujinayo inuu weli xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada.

Maxaa is-beddelay?

Waxaa xusuus mudan in 2021, Trump uu amray in 700 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya. Markii Biden xukunka la wareegay, wuxuu dib ugu celiyay 450 askari.

Hadda, lama oga sida uu Trump mar kale u qorsheynayo in uu ula macaamilo Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in la xuso in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay inta badan tababar siiyaan ciidamada dowladda, balse aysan si toos ah uga qeyb qaadan dagaallada ka dhanka ah argagixisada.

Xoghayaha Difaaca Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku “diyaar u yahay inuu raadiyo oo ciribtirayo argagixisada halis ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa, xilli uu sidoo kale xoogga saarayo sugidda xuduudaha dalka.”

Al Shabaab vs. Daacish: Halista Soomaaliya

Soomaaliya waxaa si weyn loogu yaqaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, oo ah garab ka tirsan Al Qaacida. Warbixinaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay leeyihiin 7,000–12,000 dagaalyahan, islamarkaana dakhliga ay helaan sannadkiiba uu gaarayo $120 milyan, taasoo ka dhigaysa garabka ugu awoodda badan ee Al Qaacida.

Halkaas marka la joogo, Daacish oo ka hawlgasha waqooyiga Soomaaliya weli ma gaarin awoodda Al-Shabaab, balse lama dhayalsan karo khatarta ay leedahay.

Bishii May ee sanadkii hore, Mareykanka wuxuu fuliyay duqeyn lagu dilay saddex xubnood oo Daacish ah, inkasta oo markii dambe la ogaaday in mid ka mid ah uusan aheyn sarkaal sare oo kooxda ka tirsanaa.

Soomaaliya oo soo dhaweeysay weerarka

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xukuumaddu ay la socotay weerarka Mareykanka, islamarkaana uu bartilmaameedsaday Daacish.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay hawlgalka, isagoo xusay in “Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaalka Mareykanka ee lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah.”

Weerarkaan ayaa muujinaya in, inkasta oo Soomaaliya aysan ahayn mudnaanta koowaad ee Mareykanka, haddana Washington ay mar walba diyaar u tahay inay wax ka qabato khatarta argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this