Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday 100 jir ahaa oo sabab yaab leh loogu dilay xadka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal-beeleed.jpg?fit=1920%2C1920&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday deegaanka Xalfooley oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kadib markii sabab yaableh loogu dilay Oday 100 sano jir ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka oo ahaa xoolo dhaqato ayaa waxaa lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad beeleed hubeysan, kuwaas oo kadib goobta isaga dhaqaaqay.

Sababta loo dilay odeyga waayeelka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil, balse dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, maadaama waayeelada, carruurta iyo haweenka ay kamid yihiin dadka birimageedada ah ee aan la taaban.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in odeyga la dilay loo tegay, isaga oo la joogo xoolihiisa, kadibna si arxan darro ah loo dilay.

“Deegaanka Xalfooley nin 98 sano jiro oo iska socdo oo waayeel ah ayaa lagu dilay, xoolaley ayuu ahaa waxaana loogu yimid xoolihiisa waana la dilay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dhacdadan waxay ka mid tahay colaadda meesha ka jirto iyo dagaal beeleedyada ka socda xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”.

Dhacdadan dilka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmahan ay xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka socdeen dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in xal nabadeed looga gaaro colaadda beelaha ee ka taagan halkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this