Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharci muhiim u ah…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.jpg?fit=2560%2C170

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya.

Sharcigaan ayaa markii ugu horreysay 52 sano kadib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Sidoo kale sharcigaan wuxuu la jaan qaadayaa hannaanka dawlad-dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha, si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya meelaha ay ka liidato waxaa kamid ah xuquuq siinta shaqaalaha, taasi oo loo sababeeyo dhaqaale yari, balse waxaa u dheer tixgelin la’aan iyo madaxda qaranka oo wax masuuliyad ah aan iska saarin.

Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya waxaa jooga shaqaale aan 5 sano 4 sano 3 sano iyo labo sano aan wax mushaar ah qaadan, taasi oo la filayo in sharcigaan uu Xasan Sheekh saxiixay uu wax weyn ka bedelo, maadaama madaxda qaranka aysan waxba ka qaban sanadihii lasoo dhisayey dowladaan.
IMG_5747.jpeg?resize=696%2C630&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this