Deeq A. Posted February 4 Orebro (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa Talaadada maanta ah lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taalla Sweden, oo uu ka mid yahay ninka looga shakisan yahay weerarka, sida ay boolisku sheegeen. Weerarkan ayaa ka mid ah weerarrada dhifka ku ah xarumaha waxbarasho ee dalkaas. Mas’uuliyiintu markii hore waxay sheegeen in dhowr qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha ka dhacay Campus Risbergska, oo ah dugsi sare oo loogu talagalay dhallinyarada waaweyn kuna yaalla magaalada Orebro, balse ma aysan xaqiijin dhimasho. In kasta oo weerarrada ka dhaca dugsiyada ay ku yar yihiin Sweden, haddana dalka wuxuu wajahaya xasarado la xiriira rabshadaha kooxaha burcadda ah, kuwaas oo sannad kasta galaafta nolosha tobannaan qof. “Ugu yaraan 10 qof ayaa maanta lagu dilay weerarka,” ayuu warfidiyeenada u sheegay Roberto Eid Forest, taliyaha booliska Orebro, isagoo xusay in aysan si sax ah u caddeyn karin tirada dhimashada. “Qofka weerarka geystay ma ahayn qof horey booliska ugu diiwaan-gashanaa,” ayuu raaciyay, isagoo intaas ku daray in aan weli la ogayn sababta keentay falkaan. Isbitaallada oo la geeyay dhaawacyo Taliye Forest ayaa sheegay in booliska ay warbixinadii ugu horreeyay heleen 12:33 duhurnimo (1133 GMT), balse aysan weli si sax ah u xaqiijin karin in weerarku ka dhacay gudaha ama dibadda dugsiga. Labo macallin oo ka tirsan Campus Risbergska, Miriam Jarlevall iyo Patrik Soderman, ayaa wargeyska Dagens Nyheter u sheegay inay maqleen rasaas ka dhacaysa jaranjarada dugsiga. “Ardaydu waxay nagu soo ordeen iyagoo leh qof ayaa toogtay. Markaas kaddib, waxaan maqalnay rasaas kale oo ka dhacaysa jaranjarada. Dibadda uma bixin, waxaan isku qarinay xafiisyada,” ayay yiraahdeen. “Markii hore rasaasta aad bay u badnayd, kaddib muddo nus saac ah waxba ma dhicin, balse mar kale ayay bilowday. Waxaan isku qarinay miisaska hoostooda, cabsi darteed.” Goobjoogeyaal qaar ayaa warbaahinta Sweden u sheegay inay maqleen rasaas u eg mid si toos ah loo riday. Boolisku waxay rumeysan yihiin in ninka weerarka geystay uu kaligiis ka dambeeyay falkaan. Telefishinka TV4 ayaa weriyay in boolisku Talaadadii galabkii baaris ku sameeyeen guriga tuhmanaha ee ku yaalla Orebro. Warbixintu waxay sheegtay in tuhmanaha uu da’diisu ku dhowdahay 35 jir, uu haystay shatiga hubka, isla markaana uusan horey u lahayn diiwaan dambiyeed, balse faahfaahin dheeraad ah lagama bixin aqoonsigiisa. Boolisku ma aysan xaqiijin macluumaadkaas. Booliska ayaa sheegay inay baarayaan kiis la xiriira “isku day dil, dab qabadsiin, iyo fal dambiyeed hub oo culus.” Waxay dadweynaha ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobta ama ay guryahooda ku nagaadaan. Dugsiyada oo la xiray Ardayda dhowr dugsi oo ku yaalla agagaarka goobta, iyo dugsiga la weerarayba, ayaa saacado badan gudaha lagu hayay “sababo amni dartood,” ka hor inta aan si tartiib tartiib ah loo fasixin, sida ay boolisku sheegeen. “Maanta waa maalin aad u xanuun badan dhammaan Sweden,” ayuu bartiisa X ku qoray Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson. “Xusuusteydu waxay la jirtaa dhammaan kuwa maalintii waxbarasho ee caadiga ahayd loogu beddelay argagax. In qof uu fasalka ku xayirmo isagoo noloshiisa ka baqaya waa riyo xun oo aanay cidna la kulmin.” Wuxuu xusay in xukuumaddu si dhow ula socoto xaaladda. Hooyo wiilkeedu uu saacado badan ku xayirnaa mid ka mid ah dugsiyada agagaarka ku yaalla ayaa AFP u sheegtay inay dareemayso “naxdin iyo caro.” “Wiilkeygu wuxuu ku jiraa dugsigan naga dambeeya, iyagana waa la xiray. Waa inay is qariyaan, sidaas darteed waxaan sugayaa in la daad gureeyo,” ayay tiri Cia Sandell, oo 42 jir ah. “Arrintani waa waalli, si layaab leh ayeyna u dhacday. Aad baan u caraysanahay, aadna waan u naxay. Tani waa wax aan dhici lahayn,” ayay sii raacisay. Inkasta oo weerarrada tooska ah ee dugsiyada aysan Sweden ku badnayn, haddana rabshado kale oo ka dhacay sannadihii u dambeeyay ayaa cabsi geliyay bulshada. Bishii Maarso 2022, arday 18 jir ah ayaa laba macallin ku dilay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Malmo. Labo bil kahor, wiil 16 jir ah ayaa mindi ku dhaawacay arday kale iyo macallin dugsi ku yaalla magaalada yar ee Kristianstad. Bishii Oktoobar 2015, saddex qof ayaa lagu dilay weerar cunsuriyad salka ku haya oo ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Trollhattan, weerarkaasi oo uu fuliyay qof seef watay, kaasoo markii dambe boolisku dileen. Share this post Link to post Share on other sites