Sign in to follow this  
Deeq A.

Fallaagada M23 oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Fallaagada ay Rwanda taageerto ee dhawaan qabsatay magaalada muhiimka ah ee Gomo ee bariga Congo, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah sababo bani’aadannimo dartood.

Hadalka kasoo yeeray M23 ayaa yimid kaddib baaqyo is daba joog ahaa oo dalbanayay in la furo waddo nabad ah oo dadka barakacay lagu gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.

Fallaagada M23 waxay sheegtay in xababad joojinta ay billaabaneyso maanta oo Talaada ah. Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale ku soo beegantay saacado yar kaddib marki ay Qaramada Midoobay shaacisay in dagaalki todobaadki hore ee Goma lagu dilay ugu yaraan 900 oo qof.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay jabhadda M23 iyo ciidamada dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. M23 ayaa la sheegay in ay ku sii siqeyso magaalada Bukavu ee caasimadda gobol kale oo ku yaalla Bariga Congo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Congo oo ku aaddan xabbad joojinta halka dhinac ah ee ay ku dhawaaqday M23.

Urur goboleedyada Koofurta iyo Bariga Africa ayaa todobaadkaan ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Congo shir deg deg ah, kaas oo ay dowladuhu ku dalba doonaan xabbad joojin.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this