Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Suuriya oo isu soo dhiibay ciiddamada la wareegay dalkiisa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dalka Suuriya Maxamed Shaacir ayaa isu soo dhiibay ciiddamada la wareegay talada Suuriya. Ninkan oo ka tirsanaa taliskii dhacay ee Bishaar Al-Asad isla markaana xilka wasiirka Arrimaha gudaha hayey intii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2018-kii ayaa ka mid ahaa dadka loo haysto in ay ka qayb qaateen xasuuqii lagula kacay dadkii reer Suuriya.

Dhowaan sidoo kale waxay ciiddamada Suuriya ayaa gacanta ku soo dhigay Cadaf Najiib oo ay imaadeer ahaayeen Bishaar Al-Asad kaas oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii bilaabay in la ciqaabo dadweynihii kacdoonka sameeyey ee reer Suuriya.

Madaxdii dembiyada ka gashay dalka Suuriya ayaa noqday kuwo dalkaaas ka cararay, kuwo la qabtay iyo kuwo dhuumanaya oo lagu raad joogo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this