Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaybtii Labaad: Guushii Duuliyeyaashii Itoobiya iyo guuldaradii duuliyeyaashii

Recommended Posts

Deeq A.   

Q2aad: Guushii Duuliyeyaashii Itoobiya iyo guuldaradii duuliyeyaashii
Somalida dagaalkii hawada 1977.

Markii dagaalku bilaabmay 13july 1977,waxay duuliyayaashii dagaalka
ee Ethiopia iyo Somalia si adag ugu dagaalameen dhinaca hawada
(Dogfighting)hawada dhinaca Ethiopia ee Somali-galbeed dadka qaar
u yaqaaniin Ogaadeenia,meelaha ay duuliyayaashu isku farasaareen
waxa ka mid ah hawada Godey,Qabridahar,Dhagaxbuur,Qabri bayax,
Wardheer,Xarshin,Jigjiga,Diridawa,Harar,iyo meelo kale.

Duuliyeyaasha Ethiopia waxay ka soo kacayeen giroomada Diridawa
iyo Debrezeit,Duuliyeyaasha Somalidu waxay ka soo kacayeen
giroomada Berbera iyo Hargeisa.

Inta badan duuliyeyaasha Ethiopia waxay ku duulayeen nooca
dayuuradaha ( F-5E iyo F-5A )Jetfighters.
Duuliyeyaasha Somaliduna waxay ku duulayeen nooca dayuuradaha
( Mig-21 iyo Mig-17 )Jetfighters.

Dagaalkii dhinaca hawada ee duuliyeyaashii Ethiopia iyo kuwii
Somalidu wuxuu bilaabmay 24july 1977,wuxuuna dhamaaday
1september 1977,laakiin dagaalkii dhulku wuu sii socdey ilaa
bishii labaad 1978.

Mudadaasi waxay duuliyeyaashii Ethiopia hawada ku toogteen soona rideen( 18 dayuuradood oo Mig-21 ah iyo 9 dayuuradood oo Mig-17 ah)
oo somalidu leedahay( Dogfighting)inta badan duuliyayaashii way ku
dhinteen,kuma jiraan tirada dhawr dayuuradood oo iyagoo dhaawaca
ah cararay degdegna u fadhiistay giroonka Hargeisa.

Mudadaasi Ethiopia waxaa laga ridey 3sadex dayuuradood oo keliya
oo noocoodu yahay( F-5E , f-5A iyo canberra )sadexdaasi dayuuradood waxaa toogtey ciidamadii lugta( ground force ) oo ka xumaaday sida
loo ridey dayuuradihii somalida iyo duuliyeyaasha la laayey,sadexdii
dayuuradood ee Ethiopia laga ridey duuliyeyaashii way badbaadeen
(Ejecting parachute)micnaha way ka boodeen dayuuradaha markii
ciidanka lugtu la heleen lidka dayuuradaha( anti airkraft ).

La soco Q3aad,oo xiisa badan leh.

Yusuf Abdilahi Janale
Oslo Norway
contact.somalilandcitizen@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this