Deeq A. Posted February 4 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danmbeeyey waday dadaalo la xiriira sidii guud ahaan dalka looga qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah. Goobaha loo asteeyey in ay doorashooyinkaasi ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Muqdisho oo la sheegay in 16 degmo ah oo qeyb ka ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ay doorashooyinka ka qabsoomaan. Goobahan ayaa waxaaa shalay kormeer ku tegay xubno ka tirsan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, kuwaas oo ku howlan hanaanka doorasho ee illaa haatan lagu muransan yahay. Xubnaha booqday goobaha cod-bixinta ayaa qiimeyn ku sameeyay qaab-dhismeedka iyo diyaar-garowga goobaha doorashada, iyagoo sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi iyo Warta-Nabada si ay u qiimeeyaan diyaar garowga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray guddiga. Mas’uuliyiinta degmooyinkaas ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen doorashooyinka golaha deegaanka oo lagu wado in markii ugu horeysay ay noqdaan kuwo ku saleysan nidaamka qof iyo cod. “Mas’uuliyiinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Waberi, iyo Warta-Nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorashooyinka golaha deegaanka ee qof iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka qaranka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah booqashooyin guddiga doorashooyinka qaranka ay sheegeen inay ku tagayaan goobaha cod-bixinta si loo hubiyo in doorashadu u dhacdo si habsami leh. Guddigu ayaa horey u sheegay in ka badan 300 xarumood oo codbixin ah ay u diyaarsan yihiin, kuwaas oo dhawaan lagu soo kordhin doono xarumo hor leh. Si kastaba, tirada guud ee xarumaha cod-bixinta ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo illaa 800, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ka qeyb-galka doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka. Share this post Link to post Share on other sites