Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir FIQI oo weerar culus ku qaaday xisbiyada mucaaradka ku ah XASAN

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fiqi ayaa dhaliilay hab dhaqanka madaxda hoggaamisa xisbiyada mucaaradka, wuxuuna tilmaamay inuu la yaabay sida ay ku diidan yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna sii rabaan in xisbigooda guuleysto.

“Waxaad arkaysaa Munaasabad ay ugu  magac dareen shirweyne Xisbi, waxaana wada xaadir ah madaxda iyo xubnaha xisbiga, waxaadna la yaabaysaa nin sheeganaya hogaamiyaha xisbiga oo ka soo qeybgalayaashii ugu sheekaynaya “doorasho qof iyo cod ah ma rabno” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray xubnaha muwaadiniinta ah ee ku jira xisbiyadaasi, isaga oo ugu baaqay inay isaga baxaan, ayna ku biiraan xisbiyo ogol in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.

“Muwaadiniinta Xisbiyadaas doorasho diidka ah ka tirsan, waxaa loogu baaqayaa in ay ku biiraan, xubno firfircoon iyo Madax ka noqdaan xisbiyada oggol doorashada ama in ay ayagu aasaastaan xisbiyo aysan cidna marti uga ahayn!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya “Magac xisbi, shaqo NGO la iskuma wadi karo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ay diidan yihiin Puntland, Jubbaland iyo siyaasiiyinta kale ee mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this