Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1738672555165.webp

img_3_1738672581214.webp

IMG-20250204-WA00011.jpg

WAR SAXAAFADEED

name?bg=99CCFF&fg=444444&anim=0
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida Nabadda ee JSL u sheegay in ujeedada iyaga loo aasaasay ay tahay in ay abuuraan jawi nabadayn ah oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan Gobollada dalka uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in ay leeyihiin Shaqsiyad Qaanuuni ah oo u xil saaran horumarinta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in samayntii Guddida Nabaddu ay yeelatay saamayn weyn oo heer Caalami ah, maadaama ay yihiin Odayaal Qaran oo magac iyo maamuusba ku leh bulshada Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in ay yihiin kuwa laga sugayo in ay hormmood ka noqdaan dedaalada ay Xukuumadda JSL ugu jirto nabadynta, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeena, gaar ahaan degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku.

Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in Xukuumadiisu arrin iyo adduunba aanay Guddida waxba ka hagran doonin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland;

Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaguna dhinacooda waxay Madaxweynaha uga xog warameen dedaalladii iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Guddi ahaan qaadeen si loo bilaabo gogol xaadhka wada-hadallada nabadda dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan hoggaannada dhaqanka ka soo jeeda degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku.

Guddida Nabadda JSL waxay Madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay Guddi ahaan sii labanlaabi doonaan gudashada xilka culus ee uu Madaxweynuhu u igmadey, gaar ahaan qabashada, fududeynta iyo ka-midho-dhalinta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this