Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-ballaarinta Oromada iyo is-dabar jaridda Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia-Ethiopia.jpeg?fit=1000%2C704&ssl

Qaybta 1-aad

Soomaalidu waa dad soo jireen ah oo ku nool Geeska Afrika tan iyo xilligii Faraaciinta, iyagoo lahaa boqortooyo la dhaho Buuni (Punt), taas oo ganacsi la lahayd boqortooyadii Faraaciinta. Boqortooyadan waxay aasaastay magaalooyinka xeebaha ku yaalla sida Saylac, Berbera, Xaafuun, iyo Muqdisho. Waxay aqoon durugsan u lahayd ganacsiga badaha, iyadoo dhoofin jirtay udug, dahab, iyo waliba dhirta dawooyinka laga sameeyo.

Dadka dhinta waxay marin jireen hab dabiici ah oo ilaalinaya in jidhkoodu uusan isbeddelin ama ur yeelan. Dhirtaas dabiiciga ah waxaa markii dambe dhoofsan jiray Faraaciinta, kuwaas oo boqorradooda dhinta ku marin jiray hab la mid ah. Illaa iyo hadda lama oga sida boqortooyadaasi u burburtay, balse dhulka Soomaalida waxaa weli laga helaa farshaxankii ay ka tageen, sida afkii ay ku hadli jireen iyo sawirrada xoolihii ay dhaqan jireen.

Markii Islaamku soo gaadhay deegaannada Soomaalida, wadaado badan ayaa u ambabaxay dhulka Carabta si ay u bartaan diinta. Markii ay dib ugu soo noqdeen dalkii ay ka tageen, waxay bilaabeen faafinta Islaamka. Wadaadadaas, si ay kalsooni ugu helaan dadka ay diinta barayeen, waxay sheegteen inay ka soo jeedaan reerkii Nebiga (CSW). Arrintan waxay sababtay in la lumiyo abtirsiimadii dhabta ahayd ee Soomaalida, taasoo keentay samayska qabiilo cusub.

Boqortooyooyinkii ay Soomaalidu hoggaamin jirtay waxaa ka mid ahaa:

  • Boqortooyadii Ajuuraan, oo xukumaysay koonfurta Soomaaliya, badh ka mid ah Kenya, iyo qaybo ka mid ah Itoobiya.
  • Boqortooyadii Cadal, oo ka talin jirtay bariga Soomaaliya ilaa Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, iyo qaybo ka mid ah Suudaan.

Xilliyadii hore, Soomaalidu waxay bilaabeen inay sameystaan beero iyo ganacsi, iyagoo wax u dhoofin jiray Jasiiradda Carabta. Waxay dunida gaadhsiiyeen ganacsigii ugu horreeyey ee bunka (coffee).

Marka aynu leenahay “Soomaali,” uma jeedno qabiilada maanta jira oo keliya, balse waxaa jiray qabiillo Soomaaliyeed oo qaarkood ka haajiray dhulka markii Islaamku yimid, sida Tutsiga. Qaar kale sida Xarla way dabar go’een, halka kuwo badanna ay ku dhex milmeen qabiilooyinka Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo xitaa gaadhay Suudaan.

Doodaha sheegaya in Oromadu horey dhulka Soomaalida ugu noolaan jirtay waa been cad. Waxa ay sheegtaan, sida in magacyada deegaannada Soomaalida yihiin magacyo af-Oromo ah, waa wax aan sal iyo raad toona lahayn. Tusaale ahaan, waxay ku andacoodaan in magaaladan Hargeysa magaceedu ka soo jeedo af-Oromo, balse xaqiiqadu waxay tahay in magaca “Hargeysa” uu ka yimid ganacsigii Soomaalidu ka keeni jirtay Harar. Markay badeecadaha ka soo qaadayaan, waxay ku hakan jireen ceel ku yaalla agagaarka Berbera, taasoo lagu naanaysi jiray “Hararyar,” kadibna magacu wuxuu u xuubsiibtay “Hargeysa.”

Imaanshihii Oromada ee dhulka Soomaalida

Oromadu ma aysan ka tirsanaan boqortooyadii Xabashida iyo tii Islaamka midna, waxayna ahaayeen dad reer-guuraa ah oo ku noolaa dhul buuraley ah oo ku yaalla koonfurta Itoobiya, gaar ahaan agagaarka wabiga Galla Sagan. Halkaas ayuu magacii “Galla” oo horay loogu yaqaannay kasoo jeedaa.

Markii ugu horreysay ee Oromadu weerarro kusoo qaadaan dhulka Muslimiinta waxay ahayd kadib dilkii Axmed Gurey. Waxay fursad ka heleen dagaalladii dhex maray Muslimiinta iyo Kiristaanka, iyagoo ka faa’iidaysanaya burburkaasi. Weerarkoodii ugu horreeyey waxay kusoo qaadeen gobolka Baali sanadkii 1537. Wixii ka dambeeyay, Oromadu waxay weerarro ku qaadeen:

  1. Boqortooyadii Xabashida, oo uu xukunkeeda hayay boqor la oran jiray Galawadows.
  2. Boqortooyadii Cadal, oo uu xukunka u hayay nin Soomaaliyeed oo la oran jiray Amiir Nuur.

Qore: Abshir Adam
Lasoco Qaybta 2aad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this