Sign in to follow this  
Deeq A.

ciidamada Suudaan oo qabsaday dhowr magaalo ku yaalla bariga Khartoum

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda Suudaan ayaa dib u qabsaday dhowr magaalada oo ku yaalla bariga magaala madaxda dalka ee Khartoum, kuwaas oo ay horay u maamulaysay kooxda fallaaga ah ee RSF.

Ciidanka militariga Suudaan ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo waaweyn ka gaarayay dagaalka ay kula jiraan kooxda RSF, kuwaas oo la sheegay taageero ka helaan Imaaraadka iyo dalal kale.

Dagaalka Suudaan ayaa socda sanadkii 2-aad, wuxuuna sababay dhimashada kumanaan qof, ayadoo xaalad bini’aadanimo oo meeshii ugu xumayd gaartay, mana jirto rajo muuqata oo colaaddaas lagu soo afjarayo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this