Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo kasoo korortay duqeyntii Mareykanka ee Puntland iyo arrin la xaqiijiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
MQ-1C-drone.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo duqeyn culus oo Sabtidii lasoo dhaafay Mareykanka ka fuliyay aagga dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo hoostaga Puntland, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish.

Xog cusub oo haatan soo baxday ayaa muujineyso in weerarkan dhanka cirka ah uu Mareykanka la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku jiraan shaqsiyaad si weyn looga baadi goobayo caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loogu garaacay godad waa weyn oo ku yaal dhulka hoostiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku jiro god weyn oo ay gabaad ka dhiganayeen xubno ay kamid yihiin hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba kasoo jeeda Puntland.

Illaa iyo hadda lama shaacin magacyada shaqsiyaadka lagu dilay weerarkan oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in duqeynta ay ku nafwaayeen in ka badan illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Puntland.

Weerarkan oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa amray madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ujeedka ku sheegay naafeynta kooxaha argagixisada.

Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo.

Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this